Waa Kuma ‘Hadraawi’? W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

 

Hadday jiraan malyuun qof oo Hadraawi yaqaan, waxaa hubaal ah in mid waliba sidiisa u yaqaan oo halkaas aad ugu tegaysid malyuun. Aniguna malyuunkaas ayaan ka mid ahay.

Sidaan U Aqaan:
Waa qof, waa abuur insi ah, waa nolol giraan ah, oo xilkeeda, xiskeeda, xanuunkeeda iyo xariirteedu waqti xaddidan leeyihiin., oo meel ka bilaabmay, meelna ku dhammaanay. Tan iyo maanta, noloshaa giraanta ah wixii soo maray, inta yar ee aan ka warqabo, ayaan ka bartay Hadraawi kuu yahay, wartebintayduna ka shidaal qaadanaysaa. Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) degaanka Ballicalanle ee ku yaal degmada Qorilugud, gobolka Caynaba ayuu ku dhashay bilawgii afartanaadkii qarnigii la soo dhaafay..

Waa Kuma ‘Hadraawi’? W.Q. Siciid Jaamac Xuseen