Araweelo News Network

 

Qormada 2aad

5..Cabdilcasis Bouteflika (Algeria)

 

Madaxweynaha dalka Al Jeeriya (Algeria) Mr. Cabdilcasis Bouteflika waxa uu k koray magaalada Oujda, waxa uu intii uu halkaas ku noola galay saddex dusgi oo kala ahaa Sidi Ziane, El Hoceinia iyo Abdel Moumen oo intuba dugsi sare ah, waxa uu ahaa arday aqoonta ku fiican, balse nasiib darro muu helin waxbarasho sarei.

Madaxweyne Boutelflika waxa uu dhashay 2 March 1937kii oo uu ku dhashay magaalada Ouida ee dalka Marooko (Morocco). Waa curadka hooyadii, halka uu aabbihiina u yahay ilmaha labaad, waayo waxa ka weyn gabadh Faadima la yidhaa oo ay xagga aabbo walaalo ka yihiin. Aabbihii iyo hooyadii waxa ay ka soo jeedaan Gobolka Tlemcen ee dalka Algeria. Waxa Abdelaziz la dhashay saddex hablood oo ay xagga aabbo ka walaal yihiin (Fadima, Yamina, Aisha) oo aad uga qaybqaata la-talintiisa.

Kadib, markii uu dugsa sare dhammaystay waxa uu tegay tuulo la yidhaa Ouled Amer oo u dhaw Gobolka hooyadii iyo aabbihii asal ahaan ka soo jeedaan ee Tlemcen, halkaas oo uu 19 jirkiisiiba ku biiray ciidammadii la odhan jiray Army of National Liberation oo ahaa qayb ciidammada millateriga ee National Liberation Fron (FLN) la odhan jiray ka tirssanaa. Sannadkii 1957-1958kii waxa uu noqday ninka maamula ciidammada Wilaya oo inta badan samayn jiray warbixino la xidhiidha xaaladda xadka Marroco iyo galbeedka Algeria ah, laakiin aakhirki. Horumarka uu ciidannimada ka sameeyey aawadeed waxa u hoggaamisay in dalka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Algeria ka noqdo Madaxweyne. Inkastoo aqoonta ku fiicnaa, haddana jaamacad ma uu gaadhin oo ma uu helin, maadaama uu intaas oo dhan ciidan iyo halgan ku jiray.

6. Yahya Jammeh (Gambia)

Yahya Abdul-Azia Jemus Junkung Jammeh oo ah Madaxweynaha dalka Gambiya ma uu gelin waxbarasho Jaamacadeed, balse waxa uu dhigtay dugsiga sare ee Gambia High School oo ku yaal magaalada Banjul. Markii uu dhammaystay waxa uu tababar millateri ka helay Senegal iyo dugsiga tababarka ciidammada MAraykanka (United States Army School of Americas).

Madaxweyne Jammeh waxa uu ciidammada Gambian National Army ku biiray sannadkii 1984kii, isagoo noqday sarkaal sare 1989kii, halka uu 1992kii noqdayna Taliyaha ciidammada Gambia (Commander of the Gambian Military Police), intii uu ciidammada ku jiray waxa uu kolba helaayey tobabaro ciidan oo aad u tiro badan oo uu ku soo qaadanaayey Senegal iyo Maraykanka.

Aqoontiisa sare ma fiicna, balse waxa uu ku wanaagsan yahay xagga ciidanka, waana sababta loogu eedeeyo inuu awood cabudheed u adeegsado dadkiisa.

Waxa uu dalkiisa ku soo dejiyey in shareecada Islamku awood badato, isagoo xeerar ka soo saaray in dadka isku jinsiga ah isku galmoodaan, ciqaab culusna mariya. Waxa kale oo uu caan ku yahay inuu dalkiisa ka dhaqangeliyey in qofkii qof dila loo dilo, lana fuliyo xukunka.

Waxa oo bishii March 2009 dawladdiisu soo saartay in la u gaadhsado dadka sixirka wax ku daaweeya, iyadoo la afduubay 1,000 sixiroolayaal ah, iyadoo lagu qasbay in ay cabaan sun si ay isu dilaan oo aanay dadka dib ugu soo noqon. Ololaha sixiroolayaasha lagu qabqabtay waxa loo yaqaanay “Ololaha Ugaadhsiga Sixiroolayaasha.”

Inkastoo aanu aqoon sare oo Jaamacadeed dhammaysan, haddana waxa lagu maamusay shahaadooyin sare. Jaamacada St. Mary’s College of Maryland waxay sannadkii 2004 siisay shahaadada Honorary Doctorates, halka Jaamacadda Universidad Empresarial de Costa Rica ay siisay shahaahada Norman Academy. Sidoo kale Jaamacadda National Taipei university of Tecnology ayaa shahaado sharaf digoorayt ah ku maamuustay. Waxa kale oo aad u tiro badan abaalmarino la siiyey oo dhinaca tacliinta ah oo ay bixiyeen macaa-hid iyo goobo waxbarasho oo aan la aqoonsanayn…. La soco…