Araweelo News Network

“Waan necebahay inta aaminsan in ay beel qudhi leedahay Somaliland oo aad ayaan u necebahay, “Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye)


Hargeysa (ANN)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa shaaciyey in hantidiisa iyo qoyskiisu yaalaan caasimadda Hargeysa, sidaa darteedna aannu dhinacna uga bixi doonin, isla markaana hankiisu yahay inuu qabto xilka ugu sareeya qaranka Somaliland.

Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo xilkii ku wareejiyey Wasiirka cusub ee loo magacaabay Wasaaradda Caafimaadka , waxa uu meesha ka saaray doodo iyo hadalo maalmihii u dambeeyey suuqa ku jiray oo sheegaya inuu ka cadhooday xilka wasiirnimo ee laga qaaday, isla markaana uu u baxsanayo dhinaca degaankiisa Buuhoodle, balse waxa uu tilmaamay in tacab badan kaga jiro Somaliland, sidaa darteedna aannu dhinacna uga bixi doonin.

“Aniga waad i garanaysaan, dawladdan Somaliland tacab badan ayaa igaga jiray, han siyaasadeed ayaan leeyahay, waxa aan isu-sharraxay Madaxweyne-ku-xigeen, welina hankaasi wuu igu jiraa, ilaa heer Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeenba ka noqdo. Hankaasi wuu igu jiraa, markaa Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeenba waan raadinayaa haddii Alle ka dhigo,” ayuu yidhi Dr. Xaglo-toosiye.
“Anigu hantiile ayaan ahay, hantidaydu Hargeysa ayey taallaa, guryahayaga ayaa ka dhisan, ubadkayga ayaa joogaa, xaaskayga ayaa degan, aniga ayaa jooga, waan ku dhashay, waan ku koray, dugsiga hoose/dhexe ayaan kaga baxay. Waxaan aad uga naxay oo aan ula yaabay, ninka yidhi; ‘Wuu baxsaday amma wuu baxsannayey.’ Runtii ima qabato, baabuur aan anigu mid leeyahay, midna Wasaaraddu leedahay, aniga oo Wasiir ah amarkayga ku baxay, ayaa inta Burco lagu qabtay la yidhi; ‘Way baxaysanayeen.’
Ma’aha wax cusub, Allaah u naxariistee Qaybe oo ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa gaadhi uu leeyahay diray, Qori-lugud ayaanna lagu qabtay, waa la yidhi; ‘Xadka ayuu ka baxayey, oo waa lala baxsanayey.’ Qaybe wuu hadlay oo waxa uu yidhi; ‘Waar xadka Somaliland ma Quri-lugud baa?’ aniguna maanta waxaan leeyahay, waar xadka Somaliland ma Burcaa?
Waxaannu intaas ku daray; “U malayn maayo Madaxweyne Muuse Biixi inuu arrinkaas wax ka ogyahay, laakiin anigu waxaan idiin sheegayaa in aanan halkan ka tageyn, in aanan ajnebi ku ahayn, oo ajnebiga ayaa la yidhaahdaa; ‘Wuu baxsanayaa oo halkan ayuu ka tageyaa.’ Waan necebahay inta aaminsan in ay beel qudhi leedahay Somaliland oo aad ayaan u necebahay, nacdali ha ku dhacdo. Waxa kaloo aan necebahay kuwa annaga ah ee xaggayagaas ka soo jeeda ee aaminsan iyagana aaminsan inay beeli leedahay meesha [Somaliland]. Waar meeshan waynu wada leennahay.
Waxyaalaha qosalka ah ee la sheegay, waxa ka mid ah in la yidhi; ‘Baabuurka Buuhoodle ayuu geynayey wuu jarayey, qoryo ayuu saarayey.’ Waxa aan idiin sheegayaa Masalaha (koonfurta Hargeysa) ayaan deggannahay, haddii aan dagaalamayo Masalaha ayaan ka bilaabayaa.”
Wasiirkii hore ee Caafimaadka, ayaa sheegay inuu si xooggan ula soo shaqeeyey Madaxweynihii hore ee Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa aan aad ula soo shaqeeyey oo aan aad ugu mahadnaqeyaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo igala shaqeeyey nabadda deegaannada aan ka soo jeedo oo aad u qasnaa, aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqeyaa, maantana waa nabad. Maalintii aannu heshiiska ka galnay aniga iyo Axmed Silaanyo oo ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wixii ka dambeeyey deegaannadaasi xabbadi kama dhicin, waa nabad.”
Waxa kaloo uu sheegay in magaalada Buuhoodle ay tahay meesha qudha ee aannu weli maamulka Somaliland si buuxda u wada gaadhin, waxaannu yidhi; Waxaanna jirta iminka meel aan maamulka Somaliland gaadhin oo deegaannadaas bariga ah Buuhoodle ayaa jirta, Buuhoodle-na waxyar ayaa u dhiman, waxaanan aamisannahay xukuumaddii aan ka tirsanaa, ayaa waqti u weydee, haddii horumarka la gaadhsiin lahaa ama shaqo qaran laga fulin lahaa oo hay’adihii dawladda guryahoodii la dhisi lahaa oo la dhaahin lahaa dadkii dhibtu gaadhay ee wax tirsanayey oo waqti loo heli lahaa, iyana doorashada waa laga codeyn lahaa. Madaxweynaha cusub waxaan ugu baaqayaa nabadda inuu halkaa ka sii wado, kasbashada Buuhoodle-na aad ugu dedaalo,” ayuu yidhi Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).