Araweelo News Network

US President Donald Trump speaks at the Manuel Artime Theater in Miami, Florida, on June 16, 2017. (Photo by AFP)

Laba suxufi, ayaa ka mid ah in ka badan 200 qof oo loo haysto dambi ka dhan ah Madaxweyne Donald Trump, gaar ahaan maalintii caleemo-saarkiisa, kuwaasoo si aan xad lahayn loo xidh xidhay.
In kastoo waqtigaas ciidammada booliska oo aad u hubaysan darriiqyada xidheen, iskuna hareereeyeen mudaharadayaasha, ayaa haddana waxa la xidhxidhay suxufiyiin iyo sharciyaqaanno. Waxaa ka mid ah weriyayaasha madaxbannaan ee xabsiga loo taxaabay weriye la yidhaah Alexia Wood.
“Xaataa maskaxdaydu way garan wayday waxa dhacaaya. Waxa aan sugayey amarka in dadka la kala eryo ah, dad badan oo aan wax iska caabin ah muujin, ayaa boolisku si dhammaystiran isugu hareereeyeen,” ayuu yidhi weriyeyahan sawir-qaadaha ah oo Al Jazeera u warramay.
Taariikhdu markii ay ahayd 20 January 2017, oo ku beegnayd maalintii caleemo-saarka Madaxweyne Donald Trump, waxa la xidhxidhay 230 qof oo ka mid ahaa mudaharaadayaashii ka soo horjeeday doorashada Trump, waxaana ku jiray suxufiyiin duubayey, warkana ka tebinayey goobta mudaharaadka.
Inta badan dadkaa mudaharadayaasha ah waxa lagu xukumay qofkiiba 10 sannadood oo xabsi ah iyo waliba gannaax lacageed oo dhan $25,000, kuwaasoo uu ka mid ahaa suxufi Wood, balse qaar badan oo ka mid ah mudaharadayaasha waxa lagu eedeeyey dhiirigelin mudaharaad.