Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida, ayaa ayaan-darro ku tilmaamay madaxda dunida Islaamka ee raaca reer galbeedka.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo sharraxaad ka bixiyey aayadaha ka warramaya dadka madaxda iyo bulshada ay masuulka ka yihiin ee shicibka ah oo ku jira suuratul Al-nisaa ee qur’aanka kariimka ah oo ku jiray salaadii taraawiixda lagu tudakay masjidka Rusheeshe ee Hargeysa toddobaadkan, waxa uu tilmaamay in diinta islaamku si cad u qeexday qaabka ay tahay inay u dhaqmaan madaxda islaamka ah.
“Aayadaha ka warramaya madaxda iyo raciyadda, iyo mid walba waxa waajib loogu leeyahay, xaqa saaran mid walba, xil-gudashadooda iyo waxa ay ku kala baxayaan, si kale haddii aynu u eegno jidhka islaamka qaybta aynu caawa dhaqdhaqaajinayno amma dareemuhu waa ka siyaasadda, waana shayga loo yaqaan A-siyaasatul sharciya. Mabaadii’da soo martay caalamkan amma ummadaha ka jiraaba waxa ay isla waafaqsan yihiin marka ay ummad meel ka jirto saddex arrimood in loo baahan yahay amma afar arrimood, waana dawlad, dad, dal iyo dastuur, siyaasaduna waxa ay sheegaysaa marka meel ay ummad ka jirayso in afartaa meelood loo baahan yahay. Wax way ku kala duwan yihiin hoggaaminta islaamka iyo hoggaaminta ummadaha kale, markaa labadan aayadood isku xigaa (aayaadka 58 iyo 59 ee suuradda Nisaa) waxay sheegayaan saddex arrimood, mid kalena waa laga fahmayaa,” ayuu yidhi Sheekh Dirir.
Waxaannu intaas ku daray; “Mid waa dawladdii u dhisnayd dadka muslimiinta ah iyo madaxdooda, Ilaahay (SWT) ayaana la hadlay oo yidhi; (aayadda 58aad) “Ilaahay waxa uu idin farayaa ammaanada in aad gudataan oo ehelkeeda gaadhsiisaan.” Ammaanadaasna laba arrimood ayaa u culus, waana ammaanada xukunka amma masuuliyadda qaybinteeda. Ammaanada u weyn ee ay dadka madaxda ah gacanta ku hayaan waa xilka iyo si caddaalad ah in dadka loogu qaybiyo oo aan eexasho la raacin, cidna lagu dheefinin, cidna la riixin amma aan cid lagu dhibaatayn, cidna loogu hiilin si gardarro ah. Ammaanada labaadna waa ammaanada maalka oo ah xoolaha (hantida). Dadka masuuliyiinta ah waxa ay gacanta ku hayaan xoolo ummadeed, xoolahaasna in qofku ku muraadsado si qayrul-sharci ah amma dad gaar ah ku dheefiyo waa ammaano-darro, ammaanadaasna waxa loo qaybinayaa si siman qofka adiga ku taageersan iyo ka ku khilaafsanba, ka reerkiina ah iyo ka aan ahayn, ka imminka jooga iyo ka soo socda, sidii uu u fikirayey Cumar Bin Khadaab (RC), dadka imminka jooga iyo dadka iman doona labadaba, mana ah in la sii xaalufiyo carruurteena dhalan doonta (In sha Allaah).
“Ammaanadaas iyada ah marka ay dadka masuuliyiinta ah gutaan, dariiqadii sharciga ahaydna ay ku gutaan, waxa soo raaca xilka saaran dadka ay xukumayaan ee raciyadda ah, iyagana Ilaahay (SWT) wuu u baaqay oo wuxuu yidhi; (aayadda 59aad) ‘Dadkii muuminiinta ahaayoow, Ilaahay adeeca oo ka talo qaata, rasuulkana ka talo qaata, madaxdiinana ka talo qaata.” Madaxdu haddii ay waajibkooda ka soo baxaan iyo haddii aanay ka soo bixinba dadkii ay xukumayeen sidaas ayuu iyaga Ilaahay ula hadlay, wax shardi ah oo kale laguma xidhin, shardiga kale ee lagu xidhay waxa weeye (sida Alle sheegay), ‘…haddii aad wax isku khilaaftaan (waa madaxda iyo raciyaddii) ha loo celiyo Ilaahay iyo Rasuulka.’ Oo ha laga eego qur’aanka iyo xadiiska, halkaasna waxa laga fahmay dastuurkii amma nidaamkii wax lagu xukumayey, shacab iyo xukuumadba, waana dawladda qaybtii saddexaad, markaa imminka luqadda casriga ah waxa loo isticmaalaa amma lagu tilmaamaa waa dastuurkii, laakiin inaga (islaamka) waa qur’aanka iyo xadiiska) sidaa Ilaahay (SWT) uu tilmaamayo, waana manhajkaas munasalka ah ee la soo dejiyey ee ay asalka u yihiin qur’aanka iyo sunnadu.”
Waxa kaloo Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, intaas raaciyey; “Markaa waxa lagu murmay haddii uu adduunyo yahay waa la iska saamixi karaa oo shacabku way iska dulqaadan karaan, laakiin haddii uu diinta yahay maya, sidaa daraadeed ayuu Nebigu (SCW) uu lahaa, aadna ugu celceliyey in loo dulqaato dadka madaxda ah ilaa inta lagu arkayo gaalnimo cad, waxaanna halkaas laga fahmayaa waa dalkii oo mar haddii ay dawladdii jirto, dadkiina jiro, dastuurkiina jiro hawada dadku kuma noola, laakiin waa inuu jiro dal lagu nool yahay.”
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa tilmaamay qaabka hoggaamineed ee lagu dhaqmi jiray qarniyadii hore iyo habka casriga ah ee hadda loo soo guuray, waxaannu yidhi; “Waxa lagu kala duwan yahay nidaamka la raacayo, waxaana caalamka laga isticmaalaa wax la yidhaah, dawlatul diiniya, dawlad islaami ah iyo dawlad madani ah, ta u horaysa ee ah Al-dawlatul diiniya waxa isticmaali jiray dawladdii kinniisadda, dawladda islaamiga ah waxa loo isticmaali jiray khilaafa islaamiya, dawladda madaniga ahna waxa isticmaala casrigan ummadaha diinta ka durkay ee dawladooda diinta ka fogeeya, waxayna taasi ka timmi nimanka gaalada ah oo sida la ogsoon yahay casrigii hore waxa xukumi jiray A-dawla diiniya amma dawladdii kinniisadda oo ku shaqaynayay in loo dedaalo saddex arrimood oo lama taabtaan ah oo kala ahaa; Ilaahay, aakhiro iyo ruuxda, waana sidii ay sheegan jireen kinniisaddu, waxayna odhan jireen waxa wasakh ah oo laga fogaanayaa adduunyada, jidhka qofka iyo gabadha oo hangool faraaro leh ayey dumarka iskaga hayn jireen oo waxay aaminsanaayeen in shaydaanku u soo raacayo, adduunyadana meel ayey isaga hayn jireen iyo jidhka insaanka oo ay odhan jireen waa in la duleeyo, laakiin ruuxda oo qudha oo loo roonaado,” ayuu yidhi Sheekh Dirir.
Waxa kaloo uu tilmaamay in xilliyadii dambe ay dadku ka weecdeen nidaankii kinniisaddu maamulaysay, kadibna dagaalo badan oo dhexmaray kinniisadda iyo bulshada lagu guulaystay in la iska xoreeyo nidaankii kinniisadda, lana dhisay qaabka hadda caalamku ku dhaqmo oo ah in la kala saaro diinta iyo dawladda.
“Markii ay iska xoreeyeen kinniisadaha waxay yidhaahdeen waxa laga xoroobay Ilaahay, diinta iyo ruuxda, waxaana lagu beddelay in la xoojiyo oo muqadis laga dhigay nafta, adduunyada iyo gabadha, markaa wixii ay gabadhu dhegaysato waa lala dhegaysanayaa, Ilaaha la caabudayaana waa adduunyada, taasna way isku waafaqsan yihiin raasamaaliyadda reer galbeedka iyo shuuciyadda, wayna isku raacsan yihiin in adduunyada la weyneeyo, naftana la dhergiyo, waana waxan loo yaqaan xoriyadda shaqsiga, waxaanna nasiib-darro ah inay taas ka dhaadhiciyeen dadkii muslimiinta ahaa oo maanta aan la soo hadal qaadi karin dawlad islaami ah (ku shaqaysa shareecada islaamka). Dawlad dastuurkeeda iyo nidaamkeedu yahay waxyiga samaawiga ah haddii maanta meel lagaga dhawaaqo cirka iyo dhulka ayaa lagaga dayaaminayaa, waana la soo weerarayaa, sababtoo ah waxa ay leeyihiin khadkaas aannu u dhignay adduunyada ayey ku soconaysaa,waana sida ay iyagu u yidhaahdeene.”
“Waxa markaas halkaas ka muuqanaya marka la leeyahay sharciga siyaasadda waxa weeyaan in la qotomiyo diinta Ilaahay oo loo hiiliyo, lana alooso, dawladuna waa inay u adeegto diinta, dawladdana waa in lagu hoggaamiyo diinta. Taas maanta ma la hayaa? Waa khad cas oo rag ayaa xidhay, ragna wuu u jiibiyey oo waayahay ayey yidhaahdeen. Dadka maanta madaxda ka ah caalamka islaamka waayahay ayey yidhaahdeen, cidna maanta kama hadli karto oo xaataa khudbad amma muxaadaro lagagama hadli karo,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo iftiimiyey sida ay muhiimka u tahay in lagu dhaqmo sharciga islaamka, lagana fogaado waxkasta oo lagu mutaysan karo ciqaab iyo cadho Alle.