“Waxa Gubtay daabacaadii u horaysay  oo ahayd 394, “Habeddelin Haybaddaada “marnaba kama niyadjabayo inaan Bulshadayda usoo bandhigo natiijadda Buugga aan ku tabcay muddada sanaddaha baddan ah” ayay tidhi, Naciima Cabdiraxmaan Shire Qoraaga Buugga

 

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Naciima Cabdiraxmaan Shire, waa gabadh ka mid ah haweenka da’ada yar ee Somaliland, isla markaana ah Hooyo jecel farshaxanka qoraalka iyo akhriska, waxay dedaal iyo juhdi baddan gelisay Buuggeeda “Habeddelin Haybaddaada “,  oo u muuqda mid aad u xiisa baddan,  laakiin nasiibdaro ka hor intii aannay soo bandhigin markii laga soo saaray daabacaadii u horaysay, waxa ku dhacday arrin murrugo ah.

Gabadhan ayaa dhowaan daabacday Buug ay muddo dheer ku hawlanayd, kaas oo ay doonaysay inay Bulshadu ka faa’idaystaan, iyadoo ciwaan uga dhigtay Buuggeeda “Habeddelin Haybaddaada”,  sida ka muuqata magaciisa waxay kaga hadlaysaa dhibaatooyinka ka dhasha dumarka isticmaala waxyaabaha kiimikalka ah ee jidhkooda iyo midabkooda beddela, isla markaana saamaynta ku yeesha caafimaadkooda iyo mustaqbalkooda.

“Buugga waxaan kaga hadlayaa dhibaatada haysta hablaha ee kalsoonidarada dhanka midabka Illaahay u abuuray iyo dhibaatooyinka ka dhasha marka ay isticmaalaan waxyaabo doorinaya midabkooda” ayay tidhi, Naciima ah oo ah qoraaga Buugga.

Naciima waxay degantahay Xaafadda Siinay ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, Labadii sannadood ee u danbeeyay ayay ku jirtay ururinta xoggaha iyo macluumaadka uu xanbaarsanyahay Buuggeeda oo ka kooban 101 Bog, wallow ay xusatay sida ay shebekaddaha Araweelo News Network u sheegtay in muddo Shan sannadood ah ay ku taamaysay sidii ay usoo bandhigi lahayd Buug ka hadlaya dhibaatooyinka ka dhasha Kimikalka ay habluhu midabkooda ku dooriyaan iyo raadka caafimaad ahaan ay isticmaalka waxyaabaha maqaarkooda dooriyaan ku yeeshaan.

Hase yeeshee, sida ay sheegtay Niciima oo ah qoraaga Buugga ““Habeddelin Haybaddaada “ 14 April 2022, waxa ku dhacday arrin murraga ah, kaddib markii daabacaadii u horaysay  oo ahayd 394 Buug,  ku shufbeeshay dab ka kacay gurigeeda , gaar ahaan qolkii ay dhigtay ee fadhiga, ka hor intii aannay soo bandhigin, iyadoo aannay caddayn sababta dabkaa dhalisay, wallow ay sheegtay in dabku ka dhashay qaybiso shood dhalisay, taas oo dabka ka kacay ku fiday guriga qaybta fadhiga iyo Cuntada oo ku shufbeelay halkaa, waxaana ku gubtay dhammaan daabacaadii u horaysay ee Buuggeeda ay tacabka iyo juhdiga baddan gelisay iyo alaabtii kale ee taalay. Laakiin ciidanka dabdamiska ayaa si degdeg ah ugu soo gurmaday, sida ay sheegtay waxayna xakameeyeen in aannu dabku ku fidin guriga intiisa kale.

Naciima waxay sheegtay inkasta oo ay daabacadii u horaysay buuggeeda samaysay 2019, balse xilligaa ay daabacday markii u ho annay ku niyadjabayn masiibadda ku dhacday tiro yar oo aan gaadhayn 200, laakiin xilligan oo ay dib u eegis iyo dib u habayn si xeel-dheer loogu sameeyay ay daabacday tiradii ugu badnayd, taas oo masiibadda dabku galaaftay dedaalkeedii shanta sannadood iyo hantidii guriga u taalay, isla markaana u qorshaysan tahay inay dib u daabacdo Buuggeeda si ay u gaadhsiiso bulshada Somaliland iyo Soomaalida kale ee ay ugu tallagashay, wallow ay xusatay in dhibaato dhaqaale oo culus soo waajaheen.

“Waxan ahay Hooyo doonaysa inay sii wado dedaalkeeda, wallow ay jiraan duruufo I horyaala oo baddan, marnaba kama niyadjabayo inaan Bulshadayda usoo bandhigo natiijadda Buugga aan ku tabcay muddada sanaddaha baddan ah” ayay tidhi, Naciima Cabdiraxmaan Shire.

Muuqaalkan ayay nala wadaagtay oo ah gubashadii Guriga.

 

Contact: Naciima Abdirahmaan Shire Qoraaga Buugga “Habeddelin Haybaddaada”

+252 63 3359798

https://www.facebook.com/

Daawo Mawduuc muhiim ah

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com