Araweelo News Network

Garsoore dalka Kenya u dhashay oo sii daayey nin lagu helay inuu fara-xumeeyey gabadh 13 jir ah, ayaa lagu abaalmariyey billad caalami ah oo muujinaysa xukunkii ugu xumaa ee lagu go’aamiyo xuquuqda haweenka sannadkii hore.
25kii bishii April ee 2016-kii, ayaa Maxkamadda Sare ee Kenya garsoore ka mid ah uu sii daayey nin 20 sannadood lagu xukumay oo la yidhaa Martin Charo, kaasoo lagu helay inuu si khiyaamo ah u faraxumeeyey gabadh 13 jir ah intii u dhexaysay December 2011 iyo January 2012.
“Inkastoo gabadh yar oo ka yar da’da qaangaadhka aanay bixin karin oggolaanshaha galmada, haddana caddaymaha uu maxkamadda la tusay waxay sheegayaan in ay isu dhiibtay, qaangaadhna u ahayd arrintaas. Waxa ay iska dhigtay gabadh weyn oo ninkana iyadaa u tagtay,” ayuu yidhi xaakin Juma Chitembwe oo xukunkaas ku mutaystay inuu noqdo garsoorihii ugu xukunka xumaa caalamka sannadkii 2016.
Xukunkan waxa garsooraha lagu siiyey billad tilmaamaysa caddaalad-darradiisa oo lagu bixiyo xarunta la yidhaa Golden Bludgeon oo dalka Spain ku taal, waxana si rasmi ah ugu dhawaaqay Arbacadii toddobaadkii hore ururka Weomen’s Link Worldwide, iyagoo sidoo kalena 18 kiis oo kale ku sifeeyey inay ahaayeen xukumadii ugu xumaa ee ka dhanka ahaa xuquuqda haweenka sannadkii hore.
Abaalmarinta Golden Bludgeion Award waa abaalmarin sannadle ah oo lagu aqoonsado xukunnada maxkamadeed kuwa ugu fiican iyo kuwa ugu xun ee labka iyo dheddiga (Gender) caddaaladdooda ku saabsan.