Araweelo News Network

sinaanlaantaWarbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka, ayaa lagu sheegay in tirada dadka ku nool xaalada saboolnimada xad-dhaafka ah uu hoos u dhac ku yimmi in ka badan 100 milyan dunida oo dhan, iyadoo waliba dhaqaalaha adduunku sii xumaanayo.
Waxa Baanka Adduunku (World Banka) sheegay in 767 milyan oo qof ay ku noolaayeen wax ka yar $1.90 dollar maalintii markii ay taariikhdu ahayd 2013-kii, halka macluumaadkii ugu dambeeyey ee la helay tilmaamay in 881 milyan sabool ahaayeen sannadkii hore, balse dhaqaalaha wadammada qaaradda Eeshiya oo kor u kacay aawadeed ay dad badan xayndaabka saboolnimada ka baxeen.
“Waa wax cajiib ah in dalalku ay sii wadaan in ay dhimaan saboolnimada, korna u qaadaan horumarka, iyadoo dhaqaalaha adduunku aannu fiicnayn.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Baanka Adduunka Mr. Jim Yong Kim oo soo saaray war-murtiyeed lagaga hadlay heerka saboolnimada ee ka jirta dalalka caalamka, kaasoo Jamhuuriya soo xigtay xalay.
Xogtan cusub waxa ay xaqiijisay in dadka saboolka ah ay horumar sameeyeen rubuc qarnigii u dambeeyey. Adduunka waxa ku noolaa 1.1 bilyan qof oo sabool ah sannadkii 2013kii ilaa 1990, iyadoo waliba bulshadu kobcaysay, balse sida warbixinta lagu sheegay tirada dadka saboolka ah ayaa hoos u dhacday.
Waxa ay maxsuulka daraasadan Bangiga Adduunku soo dhawaynaysaa hadafkii Qarammada Midoobay ku sheegeen in ay saboolnimada xad-dhaafka ah cidhib-tirayaan marka la gaadho sannadka 2030-ka, haddii Ilaahay yidhaah. Waxaannu hadafku yahay in horumar waara la gaadho, kaasoo ka kooban 17 hadaf (17 goals) oo lagula dagaalamayo saboolnimada, sinnaan la’aanta iyo dhalan-gediska cilmilada.
Waxa daraasadu sheegtay in macluumaadka la helay iftiimiyeen in sinnaan la’aantu ay weli ka jirto in ka badan 40 dal o adduunka ah, sida dalalka Brazil, Peru, Mali, Cambodia iyo dalal kale oo caalamka ah.