Araweelo News Network

Adolf Hitler is Donald Trump’s grandfather" Robert Mugabe, the Zimbabwean President

Adolf Hitler is Donald Trump’s grandfather” Robert Mugabe, the Zimbabwean President

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Mr. Robert Mugabe, ayaa cafiyey dhammaan haweenka xabsiyada waddankiisa ku jiray, marka laga reebo kuwa dilka iyo xabsi daa’inka ku xukuman.
Digreeto cafis Madaxweyne oo ku soo baxday wargeyska faafinta qaranka Zimabwe, waxa uu Mugabe cafiyey dhammaan haweenka jeelasha ku jira, iyadoon loo eegi xataa dambiyada ay galeen.
“Waxa sii dayn dhammaystiran oo cafis ah loo sameeyey haweenka maxaabiista ah, iyadoo aan loo eegayn dambiga ay galeen, marka laga reebo kuwa xabsi daa’inka iyo dilka ku xidhan mooyaane,” ayaa lagu yidhi amarka sii daynta ee Madaxweyne Robert Mugabe ku saaxamay dumarka dalkiisa ee xidhnaa.
Xabsiga haweenka ee la yidhaa Chikurubi oo lagu hayey 246 dumar ah, ayaa laga sii daayey 139 maxbuus haween ah shalay, waxaanay qaar badan oo maxaabiistaas ka mid ah ku xukunnaayeen xabsi dheer, iyagoo loo haystay dil, khiyaamo iyo budhcadnimo.
Kuwa xabsiyada ku hadhay ayaa lagu sheegay qaar kiisaskoodu socdaan, halka kuwo ajenebi ahna la sii dayn doono oo dawladahooda laga sugayo dalabka sii dayntooda.
Haweenay maxbuusad ahayd oo magaceedu yahay Mosline Chakamufuna, da’deeduna tahay 25 jir ah oo laba toddobaad ka hor lagu xukumay 10 sanno oo xabsi ah, kadib markii ay ilmo ay dhashay dishay, ayaa ka mid ah dumarka ka faa’iiday cafiska madaxweynaha.
Saraakiil ka tirsan Hay’adda Xabsiyada iyo Dhaqan-celinta Maxaabiista ee Zimbabwe ZPCS (Zimbabwe Prisons and Correctional Services), ayaa xaqiijiyey in 2,000 (laba kun) oo maxbuus lagu sii daayey cafiska cusub ee madaxweynaha.
“Ma haynno tirada guud waqtigan, waayo nidaamka hubintu wali wuu socdaa, laakiin waxaan rajaynaynaa in 2,000 maxbuus lagu sii daayo cafiska madaxweyne.” Sidaa waxa tidhi Priscilla Mthembo oo ah sarkaal sare ka tirsan hay’adda ZPCS.
Sidoo kale, Madaxweynaha Zimbabwe waxa uu cafis u fidiyey ragga da’doodu ka yar tahay 18 jirka oo laf ahaantooda aan la eegin dambiga ay galeen, balse cafiska uun loo fidiyey iyo waliba kuwa da’doodu ka sarrayso 60 jirka ee qaatay saddex meeloodaw laba meelood (2/3) xukunkooda.
Waxa kaloo cafiskan ku jira maxaabiista aadka u bukta ee looga cabsanaayey in ay xabsiga ku dhiman karaan oo laf ahaantooda cafis buuxa la wada siiyey.
Waxa jira xabsiyo ay maxaabiistii ku jirtay dhammaantood la cafiyey oo aan cidiba ku hadhay sida ay sheegeen saraakiisha xabsiyada Zimbabwe. Inta badan waxa cafiska laga reebay ragga gala dambiyada waaweyn sida dilka, kufsiga, budhcadnimada iyo khiyaamada qaran.
Xabsiyada Zimbabwe waxa ku jira 19,9000 maxbuus, iyadoo awoodda amma xaddiga loogu talogalay ahayd 17,000 xabsi, waana sababa loo aanaynayo in Madaxweynuhu cafiskiisa u bixiyey si loo firaaqeeyo jeelasha, loona yareeyo culayska ka jira.