Araweelo News Network

Mulkiilaha Facebook Mr. Zukerberg

Mulkiilaha Facebook Mr. Zukerberg

Hargeysa(ANN)Wax Akhrinta, gaar ahaan Buugaagta Cilmiga amma dhacdooyinka xambaarsan waxa ay qofka ka dhigaan mid xogogaal u ah, macluumaad dheeraad ahna u haya dunida, dadka adduunka ugu akhriska baddana waxa ay quutaan aqoon aad u tiro baddan oo hadalkooda iyo qoraalkooda ka soo burqata, lagana dheehdo mar kasta oo ay xog soo bandhigaan.

Mulkiilaha bar-kulanka internetka ee Facebook Mr. Zukerberg, ayaa bogga uu facebook ku leeyahay soo dhigay inuu aad u jecel yahay akhrinta buugaagta, halka uu warbaahinta ku mashquuli lahaa.

Waxa uu qof kasta oo la xidhiidha amma qoraalladiisa ugu gudbiyaa talo ahaan in ay dadku akhriyaan buugaagta uu akhriyey oo ay ka mid yihiin; kuwaas oo uu sheegay inay ka mid yihiin.

Buugga Jon Gertner:

Buugga uu qoraagan oo la yidhaa ‘The Idea Factory: Bell Labs and the Great Age of America Innovation,’ kaasoo uu kaga warramayo in ikhtiraacyada ugu weyn ee Maraykanku dhaceen sannadihii u dhexeeyey 1920i ilaa 1980kii, gaar ahaan ay ka dhaceen badhtamaha amma gidaarrada shaybaadhka lagu magacaabo AT&T’s Bell Labs.

Qoraagu waxa uu buuggiisa ku sheegay sheekooyin ku saabsan ikhtiraacid cajiib ah oo waddamada adduunka qaar ka mid ah ka dhacday qarnigaas, taasoo ay ka mid yihiin ikhtiraacida injiinka farriimaha la isugu diro ee Fax, baahintii ugu dheerayd ee telefiishan iyo soo saarista tiknoolajiyada Moobaylka.

Buugga Ibn Khaldun ee “Muqaddimah:

Buuggan ‘The Muqaddimah.’ Ee qoraaga Ibn Khaldun qoray oo la turjumay hordhaciisa, kaasoo la uu qoraagan qoray sannadkii 1377 oo laga qoray taariikhda Islam ee Khaldun, waxa ku dheehan qoraallo cajiib ah oo taariikheed oo waqtigan aad moodo in la aasay.

Qoraagan waxa lagu tilmaama inuu ka mid yahay ragga kacaanka sayniska dibada u soo saaray amma, waxa la odhan karaa waa Aabbbaha Barashada Cilmiga Bulshada iyo Taariikhda ee waqtigan casriga ah, waxaannu mulkiilaha Facebook Mr. Zuckerberg sheegay in buuggan la dheehan karo amma laga heli karo waxyaabo baddan oo dunida maanta lagu arko.

Buugga World Order ee Henry Kissinger:
Buuggan World Order ee uu qoraya qoraaga la yidhaa Henry Kissinger, kaasoo mulkiilaha Facebook uu sheegay markii gabadhiisu u dhalatay inuu aad u jecelaan lahaa in duni nabad ah oo mustaqbalka jiilasha dambe ku nooladaan uu aad u jecelaan lahaa.

Buugga ‘World Oder’ waxa uu akhristaha farta ugu fiiqayaa sida waddamo baddan oo adduunka ah dhaqan ahaan xidhiidh u wada leeyihiin, khaladaad u galaan, haddana kalgacal aan xad lahayn uga dhexeeyo aragti ahaan.
Waa buug da’da casriga ah ee adduunka khilafaadka ka jira tilmaamaya, kuwaasoo qoraagu ku sheegayo in ay adag tahay mararka qaar in xal loo helo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380