Araweelo News Network

dilalkadhacay muqdishoMogadishu(ANN)Dablay hubaysan, ayaa weerarro kala duwan maanta la beegsaday saraakiil ka tirsan dawlada Federaalka Somalia, kuwaas goobo kala duwan lagu weeraray.
Cabdirisaaq Xaaji Maxamed oo ka mid ahaa saraakiisha sirdoonka Somalia, ayaa lala beegsaday gaadhigiisa Tacshiirado rasaas ah, xili uu marayay Is-goyska Degmada Taleex ee Muqdisho, waxayna wararku sheegayaan in kooxda weerarka fulisay goobta ka baxsatay, iyadoo dadweyne goobtaa marayay Maydka sarkaalka kusoo urureen.
Alpha Group oo ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran, ayaa xili danbe goobta gaadhay, kuwaas oo Maydka sarkaalkaa meesha ka qaaday. sida ay sheegeen wararka ka ag dhow goobta weerarku ka dhacay.
Sidoo kale weerarka kale, ayaa ka dhacay Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadjir, kadib markii sida ay wararka la xidhiidha dhacadadaa sheegeen saaka aroortii koox hubaysan weerar la beegsatay Cabdullaahi Muumin oo ka mid ahaa saraakiisha Bangiga dawlada Somalia.
Al-shabaab ayaa sheegatay weerarrada saaka ka dhacay Mqudisho, weerarrada lala beegsanayo saraakiisha hay’addaha dawlda Somalia, ayaa sii kordhaya dhawrkii bilood ee u danbeeyay, kuwaas oo ay kooxaha fuliyaa ka baxsadaan goobta.
Labada weerrar ee maanta ka ka dhacay Muqdisho, ayaa kusoo beegmay Maalin ka hor markii Guddoomiyaha gobolka Galguduud, Xuseen Wehliye Cirfo uu ka badbaaday isku day dil xilli uu marayay wadada Makka Al-mukarramah oo ka mid ah meelaha inta baddan weerarradu ka dhacaan, isla markaana ugu mashquulka baddan Magaalada Muqdisho, waxaana mas’uuliyadda weerarkaa oo fashilmay sheegtay Al-Shabaab.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380