Kitaabka La helay
Birmingham(ANN) Qoraal la rumaysanyahay inuu yahay kii ugu da’ada weynaa inta la ogyahay ee Kitaabka Quraanka Kariimka ah ayaa laga helay maktabad ku taalla magaalada Birmingham ee dalka Boqortooyada Britain.

Baadhitaan lagu sameeyay Qoraankaa oo lagu qorey maqaar dushii ayaa la ogaaday in la qorey qiyaastii 1370 sano ka hor.

Qoraalkan ayaa maktabadda Birmingham la keenay 1920-kii, iyadoo tan iyo xilligaasi aan si dhab ah loo ogaan qoraalku waxa uu yahay.
Balse Prof. David Thomas oo ku takhasusay arrimaha Diimaha Islaamka iyo Masiixiga ayaa sheegay in qoraalkan uu qorey qof la kulmay Nabi Maxamad (CSW), ama dhegeystay isagoo hadlaya.

Kitaabka Quraanka ah ee la helay 95 sanadood ka hor oo ahayd xiligii la keenay maktabadda, waxaa uu ku qoran yahay farta Xijaaziga ee Afka Carabiga, waxaana loo qoray sida Carabiga loo qori jiray xilligii Nabiga (SCW) iyo saxaabada.

Bulshada Muslinka ee deggan magaalada Birmingham ee dalka Britain ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin bandhiga iyo shaacinta arrintan, balse hoggaamiyayaasha dunida Islaamka iyo Culimada Mufdiyiinta waaweyn ee Caalamka Islaamka ayaan wax war ah kasoo saarin ilaa hadda arrinta uu kusoo bandhigay maktabadda Birmingham Prof. David Thomas oo ku takhasusay arrimaha Diimaha Islaamka iyo Masiixiga.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.