heeganbooliskaslandHargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa heeggan culus gelisay Hay’addaha amaanka dalka, gaar ahaan Booliska gobolada dalka. Sidaana waxa lagu sheegay warbixin Taliyaha Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdullaahi Fadal IImaan maanta siiyay Telefishanka Qaranka, isagoo ay hareera joogaan Wasiir ku xigeenka maamulka gobolada iyo degmooyinka Axmed Faarax Caddare, Taliye ku xigeenka Booliska Cabdiraxmaan Fooxle Iyo saraakiisha kale ee Booliska.
Sareeyo Guuto Cabdullaahi Fadal, ayaa sheegay in dhamaan Booliska gobolada iyo degmooyinka la geliyay heeggan culus, wuxuuna shacbiga ka codsaday inay gacan ka siiyaan wax walba oo nabadgelyadooda xumaynaya, isagoo uga mahad celiyay shacbiga sida ay mar walba u garab istaagaan.
Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Maamulka gobolada iyo degmooyinka Axmed Caddare, ayaa ugu baaqay mucaaradka in aanay abuurin xaalad fowdo ah, isla markaana ay la yimaadaan qorshe siyaasadeed iyo tartan dumuqraadi ah oo ay miidaanka yimaadaan, balse aanay xaalad nabadgelyada dalka wax u dhimay ku talaabsan. Wuxuuna digniin u diray dadka ganacsatada ah ee Huteelda waaweyn iyo guryaha, isagoo uga digay in huteeladooda iyo guryohooda lagu qabto shirar uu ku tilmaamay kuwo aan sharciga iyo qaanuunka dalka waafaqsanayn oo wax u dhimaya amaanka iyo nabadgelyada dalka.
Arrintan ayaa kusoo beegantay xili ay dhawr maalmood inaga xigaan mudadii shanta sanadood ahayd ee xukuumadda Madaxweyne loo doortay hoggaanka dalka shan sanadood ka hor, iyadoo mudo kordhin golaha guurtidu u sameeyay xukuumadda iyo golaha wakiilada labada xisbi mucaarad gaashaanka ku dhifteen, isla markaana heshiis markaa kaddib sadexda xisbi qaran wada gaadheen oo wax ka bedelayay mudada aan weli la cayimin ee doorashooyinka, ayaa noqday mid socon waayay, kaas oo golaha guurtidu ku tilmaameen mid aan qaanuunka iyo dastuurka dalka waafaqsanayn.
Muran siyaasadeed oo ka dhashay arrimahaa ayaa weli taagan, kaas oo aan wax xal ah loo helin weli, waxayna mucaaradku ku hanjabayaan in aanay aqoonsayn Xukuumadda marka la gaadho waqtiga dhamaadka mudadii la doortay ee maalmaha yar inaga xigaan, iyadoo xukuumadda Madaxweyne ay soo waajahday waqtigan cabsi la xidhiidha arrimaha ka dhashay doorashooyinka dib u dhacay iyo mudo kordhinta laysku khilaafay, isla markaana axsaabta mucaaradku warbaahinta u marinayaan xukuumadda hanjabaado, taas oo sababtay in gebi ahaanba heeggan la geliyo ciidamada Booliska Somaliland.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.