araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo shirka golaha dhexe ee KULMIYE 10 Nov 2015

araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo oo kor u taagaya Calanka Xisbigiisa shirka golaha dhexe ee KULMIYE 10 Nov 2015

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si cad uga dhawaajiyay inuu wixii hadda ka danbeeya sagootiyay saaxadda tartanka Siyaasadda, isla markaana aanu mar danbe ka qaybgelayn loolanka siyaasadda, balse taas bedelkeeda uu noqonayo Oday musadanbeed u ah Xisbiga uu aasaasay 13 sanadood ka hor iyo Axsaabta kale ee Qaranka.
Anigoo ka duulaya aragtidan kor aan ku soo sheegay, 23-ka May 2002-dii, waxaan aniga iyo xubno koobani abaabulnay, isla markaana aasaasnay xisbigan Kulmiye ee bahweynta bulshada Somaliland ku bahoobeen.
Kulmiye wuxuu ahaa, ururkii ugu da’ada yaraa, uguna danbeeyey toddobadii urur ee la diiwaan-galiyey, isla sannad-kaana wuxuu ku guulaystay kaalinta labaad ee tartankii doorashooyinkii Dawladaha Hoose, taas oo uu kaga mid noqday saddexdii xisbi Qaran ee ugu horeeyey ee sharci ahaan uu dalkeenu yeeshay kuwaas oo kala ahaa UDUB, KULMIYE iyo UCID.
Xisbiga Kulmiye wuxuu u taagan yahay, midnimada iyo horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland, ujeeddadiisa ugu weyn, ee uu hiigsanayaa waxaa bartilmaameed u ah, dhismaha iyo dhidibo-u-taagidda Qaran diimuqraadi ah oo leh hannaan iyo haybad dawladnimo oo ay mahadiyaan muwaadiniintiisu.
Xisbiga Kulmiye, wuxuu u-xusul duuban-yahay xaqiijinta himilooyinka shacbiga Somaliland, taas oo ay xuddun u tahay meel marinta madaxbannaanida Qarannimadu. Waxaan ku kalsoon-ahay, in maalin ka mida maalmaha uu calankeenu ka dul baban doono xarunta Qaramada Midoobay iyo Qawmiyadaha kala duwan In sha ALLAH.

Xisbiga Kulmiye, oo ah maanta Xisbul Xaakim, wuxuu talada Dalkan ee uu hantay u soo maray jid dheer oo uu sahay uga soo dhigtay sabir, dulqaad, tanaasul, tudhaale, talo wadaag iyo tawfiiq. Siyaasaddaa suuban ee bisaylka badan lihi, waxay raadaysay bulshada Somaliland, waxaanay beerkooda u marisay burcad.
Tan iyo xilligii uu Dalkani cagta saaray dhabada dimuqraadiyadda, Xisbiga Kulmiye wuxuu kaalin mug leh, oo muuqata ku lahaa geedi socodkii doorashooyinka, wuxuuna ka soo qayb qaatay dhammaan doorashooyinkii dalka ka qabsoomay ee Dawladaha Hoose, Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Sida ay taariikhdu qirayso, Xisbiga Kulmiye wuxuu ka soo hooyey guulo wax ku ool ah oo u gogol xaadhay marxaladdan uu maanta Dawlad ku yahay.

Ka Tanaasulka Musharraxnimada Xisbiga Kulmiye

Sida aad xogogaal ka tihiin, waxaan ahay Madaxweyne hal mar loo doortay si dimuqraadi ah, kaas oo kalsoonida lagu qabo iyo taageerada loo hayaa toona aanay is dhimin. Sida ay qeexayaan Dastuurka iyo shuruucda Dalku, waxaan xaq u leeyahay inaan mar labaad murashax noqdo, isuna soo taago jagada Madaxweynenimada Dalka.

Hasa yeeshee, waxaan si rasmi ah maanta ugu caddeynayaa Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, iyo dhamaan shacbi-weynaha Somaliland, in aan ikhtiyaar-kayga uga tanaasulay in aan mar kale isu soo sharraxo Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka qabsoomi doonta 27-ka March, 2017-ka. Sababaha soo socda awgood:

1. Waxaan door biday in aan fursad siiyo, saaxadda mustaqbalkana u baneeyo siyaasiyiintii iyo saaxiibbadii sannadaha badan safka igula jiray.

2. Kursi jacaylku, waa cudurrada cadowga u ah hoggaamiye kasta, sidaa darteed, waxaan door biday in aan kaga dego hoggaaminta Dalka qaab ka duwan sidii ay Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliland kaga tagi jireen, si ay ugu noqoto kuwa dambe, tusaale ku dayasho fiican leh.

3. Si aan u dhamaystiro dhitada iyo dhaxalka aan muddada dheer soo dhisayey, waxaan door biday, in aanan wax damaca ku yeelan doorashooyinka soo socda, isla markaana aan noqdo oday guud oo dhex u ah guud ahaan Xisbiyada Qaranka, gaar ahaanna Xisbiga Kulmiye tartanka ka dhex socda.

Waxaan jecelahay in aan halkan si niyad sami ah ugu mahad naqo, taageersayaashii tirada badnaa (rag iyo dumar) ee min bilowgii aasaaska illaa maanta, sida hagar la’aanta ah hiil iyo hoo ula hareer taagnaa Xisbiga Kulmiye. Ma illaabi doonno dadkaa, waanan u abaal hayn doonnaa. Sidoo kale, waxaan si weyn ugu mahad celinayaa Madaxdii Xisbiga, Hoggaanka, Guddida Fulinta, Xubnaha Golaha Dhexe, iyo haldoorkii aan odayga u ahaa ee habeen iyo maalin garabka iyo gaashanka ii ahaa, taariikhda Xisbiga waxay kaga suntan-yihiin baal-dahab. Intii dhimatayna, Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380