Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Wed, Nov 11th, 2015

Guddoomiye Muuse Biixi Muxuu Yidhi Musharaxiinta Ka Baaqsaday Inay La Tartamaan Kadib Doorashadii Uu Guusheeda Daaqada Ka Qaatay

Guddoomiye Muuse BiixiHargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo maanta loo doortay Musharaxa Xisbiga KULMIYE uga qayb gelaya Doorashada Madaxtooyadda ee la filayo inay dalka ka qabsoonto sannadka March 2017, ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay xubnaha golaha dhexe taageerada ay siiyeen.

Guddoomiyaha KULMIYE, wuxuu hadal uu ka jeediyay doorashadii uu ku hantiyay guusha shirka golaha dhexe ee Xisbiga oo maanta ka dhacday Maansoor Hotel, ka sheegay inay sii wadayaan wadadii uu jeexay aasaasha Xisbiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana sii wadayaan sida uu sheegay horumarkii xukuumadda Somaliland fulisay shantii sanadood.

Guddoomiye Muuse Biixi, wuxuu hanbalyo iyo amaan ujeediyay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo uu ku sifeeyay nin adag oo fagaaraha tartanku ka dhacay guuli ka raacday.
Sidoo kale, wuxuu u mahadnaqay laba Musharax oo ka mid ah saddexdii Murrashax ee qaadacay shirka golaha dhexe ee Xisbiga, kuwaas oo sida ku sheegay uga mahada celinayo labada Musharax ee Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka baaqsaday inay kasoo qaybgalaan tartanka si ay ugula tartamaan shirkii Golaha dhexe, wuxuuna go’aanka maqnaanshohooda ku sifeeyay mid Tolnimo iyo Xigaal oo ay ugu tanaasuleen isaga.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp