Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu qoraal garnaqsi ah iyo doorkii uu ka qaatay iskudayo baddan oo uu ku doonayay inuu isugu soo jiido afkaaraha kala duwan ee ka dhashay Xsibiga dhexdiisa ku shaaciyay khudbad uu ka jeediyay shirkii shanaad ee golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaas oo lagu qabtay 10 Nov 2015, huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu iska leexiyay eeddo la xidhiidhay arrimaha ka dhashay khilaafka. kadib markii xubno miisaan ku lahaa xisbiga, isla markaana xukuumadda iska casilay ku eeddeeyeen in aanu dhexdhexaad ka noqon wixii dhexyaalay, balse uu dhinac la saftay, taas oo sababtay in sadex musharax oo doonayay inay ku tartamaan musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga iyo xubno kale oo weheliyaa ku gacan saydheen inay ka qaybgalaan shirkii golaha dhexe ee 10 Nov 2015.
Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu isagoo arrimahaa ka hadlaya, isla markaana iska fogayna eeddahaa yidhi, “In la abuuro xisbi siyaasi ah, oo ay madashiisa ku kulmaan qoodh iyo qoorweyn kala damac iyo dabci duwani ma aha xirfad sahlan. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa (Maan rag, waa mudacyo af-kood), sidaa darteed, ma aha wax fudud maaraynta iyo ka midho dhalinta mabaadiida lagu midayn karo madaxda iyo mijaha kala midabka iyo maanka duwan ee xisbi leeyahay. Isku haynta afkaarta iyo aragtiyaha soo kala horjeeda, waa caqabadaha ugu adag ee hor yaal hogaamiye kasta oo leh han siyaasadeed. Xisbiga Kulmiye waxa uu ka soo gudbay marxalado badan oo aad u adag, kuwaasoo dadka qaarkii mala awaaleen in ay tahay dhammaadka Xisbiga Kulmiye, hase yeeshee, uu ka dhaxlay karaar iyo xawli hor leh. Kala duwanaanshaha afkaarta iyo aragtiyaha ayaa mararka qaarkood sabab u ah ismaandhaaf iyo khilaafyo dibedda u soo baxa, taas oo ah dabeecadda aadanaha iyo ta nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu jilayno.”

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ka hadlay waxyaabaha uu caanka ku noqday ee xalinta khilaafka siyaasiga ah, isagoo yidhi, “Xisbiga Kulmiye, wuxuu ku caan baxay, oo dhaqan soo jireen u ah, in uu markasta arrimihiisa ku xaliyo isu tanaasul, talo wadaag iyo isqancin, iyadoo ay xilkaskiisu danta guud ee xisbiga had iyo jeer ka hor mariyaan danaha gaar ahaaneed.

Waxaynu wada ognahay, in maalmahan dambe bulshadu aad u hadal hayso loolanka Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, inkasta oo tartan kani, gaar u yahay xisbi ka mid ah xisbiyada Qaranka, haddana waxaa muuqanaysay in xafiiltanka iyo xamaasadda ka dhalatay loolanka ka dhaxeeya murashaxiinta Xisbiga Kulmiye, aad loogu dheg taagayo.

Marka laga tago in Kulmiye yahay xisbiga talada dalka haya, waxaan is leeyahay, hadal hayntaa badan waxaa sabab u ah, mustawaha iyo maqaamka sare ee Xisbiga Kulmiye ku leeyahay shacbi weynaha Somaliland (Popularity), taas oo aan hoos u dhicin shan sanno iyo badh, ka dib xilligii la doortay.

Tuhun Saar iyo Eed Reeb

Waxaa hubaal ah, in uu khilaafkii ka dhashay loolanka Xisbiga Kulmiye, uu sababay in rag inaga mid ah oo hore u iclaamiyey inay yihiin murashaxiin, ay maanta ka maqan-yihiin madashan. Anigu shakhsiyan kuma faraxsani tallaabadan ay qaadeen saaxiibbaday, Somaalidu waxay tidhaahdaa, “Afkaaga oo aan kaa rogin eed aanad qabin, Alla goy baa la yidhaahdaa”. Sidaa darteed, waxaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo bulsho-weynta reer Somaliland u caddaynayaa, in aanan qabin eedaha iyo xajiimaha la igu xoqayo. Qof ahaan, markaan ahay Axmed Silanyo, xaq baan u leeyahay in aan taageero tartamayaasha mid ka mida, mana jiro xeer ii diidaya ama iga dabraya arrintan, balse, waxaan idiin caddaynayaa in aan dhex ka ahay tartanka Xisbiga Kulmiye. Mar labaad iyo mar saddexaadba waan ku celinayaa, ee waxaan leeyahay ammaanadii ummaddani ii dhiibatay iyo awooddii Dawladnimo, uma adeegsan taageeridda murashax gaar ah.


Tallaabooyinkii Dhex-dhexaadineed ee aan Ku Tallaabsaday

Bilowgii markii ay isoo gaadhay cabatinno la xidhiidha qaabka loo diiwaangalinayo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaan ka galay murankaa dhex-dhexaadin iyo isu soo dhawayn. Waxaan khilaafkii ku dhammeeyey in hawshan ay si wada jir ah u wada fuliyaan Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee ka soo kala jeeday laba dhinac iyo oday Axmed Xaaji Cali Cadami, si loo helo kalsooni dhex marta dhinacayada tartanku ka dhexeeyo. Muddo ka dib, waxaan murrashaxiinta maqan iyo xubnaha hoggaanka taageersan cabatinkooda ka maqlay warbaahinta, iyadoo aanay wax dacwad ah ii soo gudbin, isla markaana wax warbixin ah igaga soo celin heshiiskii hore.
Ka sokow, masuulka aan u wada ahay Qarankan mucaarid iyo muxaafid, waxaan ahay Odaygii guud ee Xisbiga Kulmiye. Waxaan ahay, marjicii iyo mus-danbeedkii Xisbiga Kulmiye. Sidaa darteed, anigoo masuuliyaddaa gudanaya, waxaan mar labaad u yeedhay Xubnihii Hoggaanka ee taageersanaa Murashaxiinta maqan. Waxaan dhagaystay cabatinkoodii iyo dhammaan arrimihii ay saluuga ka muujiyeen. Dhinaca kale, waxaan u yeedhay xubnihii hoggaanka kale ee laga cabanayey, waxaan dhagaystay warbixintoodii iyo jawaab celintii tuhumadii loo jeediyey. Ka dib, waxaan kulan isu yeedhay labadii dhinac ee kala cabanayey. Nasiib darro, laba habeen oo is xiga gogoshii aan u fidiyey kamay soo xaadirin dhinicii cabanayey.

Maadaama aan dhagaystay doodda labada dhinacba, waxaan qaaday tallaabo muhiim u ahayd turxaan saarka iyo xallinta khilaafka Xisbiga soo dhex galay. Waxaan magacaabay guddi madax bannaan oo ka kooban shan xubnood, oo aan u xil saaray in ay xaqiijiyaan soona hubiyaan arrimaha tuhunku ka jiro iyo cabatinnada la xidhiidha. Guddidaas oo u badnayd raggii cabanayey ama tuhunka qabay, waxay baadhintaankoodii ku soo gabo-gabeeyeen in Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee la diiwaan-galiyey ay yihiin kuwii saxda ahaa, marka laga reebo toban xubnood oo beddel ah oo loo buuxiyey hab aan sharciga Xisbiga waafaqsanayn, kuwaas oo ay go’aamiyeen in la joojiyo, aniguna aan ku raacay.

Kaliya kagama hadhin isu soo jiidka raggaygii igu xeernaa tallaabooyinkaa aan kor ku soo sheegay, balse waxaan kulano gaar gaar ah oo aad u kala duwan la qaatay hormoodka Xisbiga.
Ugu dambayn, waxaan si odaynimo leh ugu baaqayaa Murashaxiinta madashan ka maqan in ay shirka maanta ka soo qayb galaan, isla markaana si xor ah u tartamaan. Waxaan leeyahay, dhammaan Murashaxiinta tartamaysa, guushu laba nin ma wada raacdo, calafkuna waa halkiisa. Sidaa darteed, waxaa waajib ah in wax la isu haneeyo, waar lafaha gura, xarragadana ha ka tagina.” ayuu ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo qoraalka garnaqsiga ee uu shacbiga u bandhigay, kaas oo qayb ka ahaa khudbad dheer oo ka jeediyay madasha shirka shanaad ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye 10 Nov 2015.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380