Araweelo News Network
gaadhigiiuhoreeyayafrica
Injineer elaktarooniga khabiir ku ah oo u dhashay dalka Nayjeeriya, isla markaana ahaa macallin wax ka dhiga Jaamacadda Federal Plytechnic Nekede, ayaa sannadkii 1997kii sameeyey gaadhi uu u bixiyey Isuogu Z-600, kaasoo noqday baabuurkii ugu horreeyey ee lagu farsameeyo gudaha qaaradda Afrika.
Injineerkaas oo la odhan jiray Dr. Ezekiel Izogu, ayaa baabuurka uu sameeyey u nashqadeeyey si casri ah, iyadoo BBC-da oo dabagal ku samaysay arrintan ay ogaatay inuu ahaa gaadhiga riyada Afrika (African dream Machine), waxaannu 90% qalabkiisu ahaa mid lagu sameeyey gudaha dalka Nayjeeriya ee galbeedka qaaradda madow.
Sida warbixinta lagu sheegay samaynta baabuurkan waxa ku baxday lacag dhan $2,000 (laba kun oo doollar), taasina waxay ka dhigaysay inuu ahaa gaadhiga ugu qiimaha jaban adduunka.
Baabuurka khabiirka Afrikaanka ah hindisay oo hormood u noqday in la sameeyo Izogu Motors oo ahayd shirkad himiladeeda la cidhib-tiray, ilaa haddana aan taariikh laga hayn, ayaa noqday mashruuc yididiilo u noqday dalka Nayjeeriya, iyagoo dadkiisu aamineen in ay gawaadhi badan soo saari karaan, waxaannu gaadhigan lahaa mishiin khaas ah, ayaa xawaarihiisu ahaa 140km/h, kaasoo ahaa mid ku socon kara rafka, lehna awood iyo adkaysi badan xagga qolof ahaanna xadiid ah.
Gaadhigan ayaa loo saaray guddi baadha oo eegta in qalabkiisu yihiin kuwo 90% dalka lagu sameeyey, socon karana, waana lagu guulaystay baadhitaankaas, balse lagu taliyey in qaybo badan oo gaadhiga ka mid ah la yara khafiifiyo si aan caafimaadka qofka waxba u yeelin.
Khabiirka sameeyey gaadhigan Dr. Izuogu ayaa dawladda Koonfurta Afrika dhawr jeer casuuntay, halka dawladda federaalka Nayjeeriya u ballanqaadday in ay siinayso 235 milyan oo naira amma lacagta dalkiisa ah oo aannu ilaa hadda la siin.
Dr. Izuogu waxa gaadhigan iyo mashruuciisa uu ku guulaystay ka jeediyey meelo badan oo adduunka ah, gaar ahaan shirarka ay isugu yimaaddaan dadka hal-a-buurka leh, kaasoo keentay in dad badan uu soo jiito, gaar ahaan dalka Koonfur Afrika oo ku casuumay inuu dalkooda ka dhex bilaabo mashruuc baabuurta lagu samaynayo.
Khabiirka sameeyey baabuurkan la dayacay, ayaa dawladda Nayjeeriya u ogolaatay in lacag la siiyo sannadkii 2006, balse niyadda ka diiddan arrintan, ayaa haddana koox ciidan ah oo 12 askari ka kooban ay jabsadeen warshadda uu gaadhiga ku soo saaro, kana qaateen mishiino iyo qalab badan oo taariikh noqon lahaa, gaar ahaan gaadhiga Z-600 si fiican u tilmaami lahaa iyo waliba nashqado badan oo uu ku tala jiray inuu baabuur ka sameeyo.
“Waxay u e\kayd in la damacsanaa in la joojiyo horumarka aan samaynayno ee aannu damacsanayn in Afrika baabuur badan u soo saarno. Waxa la xaday waxyaabo badan oo ay ku jiraan taayiro dalka gudihiisa laga soo saaray, mishiinno iyo alaabo aad u tiro badan oo faa’iido u yeelan lahaa mashruuca. Waxa kaloo la xaday qaybo badan oo gaadhigii Z-600 ka mid ahaa, waxa kale oo nalaga xaday buuggii nashqaduhu noogu qornaayeen, kooxdii ila samaysanayna way niyad-jabtay,” ayuu yidhi Dr. Izogu.
Dhacdadan oo keentay in gaadhigan dib u soo bixi waayo, waxa uu khabiirka sameeyey ku tilmaamay inay tahay masiibo qaran oo ku habsatay dhaqaalaha Nijeeriya iyo waliba horumarka tiknolajiga ee qaaradda Afrika, iyadoo ninkan khabiirka ahaa geeriyooday xilli aanay rumoobin riyada iyo rajooyinkii uu ku doonayey in dunidu isticmaasho baabuur casri ah oo lagu farsameeyey Afrika, mana jirto cid dambe oo dib u racday taariikhda baabuurkii u horeeyey ee lagu sameeyo dalkiisa.