Araweelo News Network

kulnkanairobiNairobi (ANN) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay diblomaasiyiinta dalalka reer galbeedka u fadhiya magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, kuwaasoo ay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, doorashooyinka iyo xaaladaha Somaliland ee waqtigan.
Warsaxaafadeed uu Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mr. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) soo saaray shalay, ayaa lagu faahfaahiyey waxyaabaha weftiga KULMIYE iyo xukuumadda Somaliland kala hadleen diblomaasiyiinta qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ee jooga Nairobi.
“Wefti ka socda dawladda Somaliland iyo xisbul-xaakimka KULMIYE oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo safar hawlo shaqo ah ku maraya dalal ay ka mid yihiin kuwa gobolka, ayaa kulamo la yeeshay safiirro iyo doblamaasiyiin ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
“Weftiga Somaliland waxay kulan ballaadhan xarunta Safaaradda Denmark ee magaalada Nairobi kula yeesheen qaar ka mid ah safiirrada waddamada Midowga Yurub ee ka caawiya Somaliland dhinacyada horumarinta iyo doorashooyinka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya, kuwaas oo ay ka mid yihiin; safiirka Denmark Ambassador Mette Knudsen, safiirka dalka Finland Ambassador Tarja Fernandez iyo ku-xigeenka safiirka safaaradda Holland ee Nairobi iyo weliba Mr. Angus Miller oo ah madaxda hay’adda mucaawada dibadda u qaabilsan dalka UK ee DFID, ahna guddoomiyaha guddiga beesha caalamka ee arrimaha dimoqraadiyadda kala shaqeeya Somaliland.
Guddoomiyaha KULMIYE iyo wasiirrada Somaliland waxay safiirrada ay la kulmeen wadahadal iyo xog-warran ka wadayeesheen guud ahaan xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka socota dalka, u diyaargarowga doorashooyinka, abaaraha iyo taakulaynta dadka ku waxyeeloobay, shaqo la’aanta dhallinyarada iyo sidii loo heli lahaa fursado shaqo oo wax lagaga qabto tahriibta iyo arrimo kale.
Qodobaddaasi lagu lafaguray kulanka waxa dhammaantood laga gaadhay is-faham, iyadoo weftiga Somaliland iyo safiirraduba isla qaateen in dhinac walba dardargeliyo wixii ka khuseeya arrimaha laga wadahadlay.
Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxay hore shirar ugu soo yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo sidoo kalena Wasiirrada Khaarajiga iyo Madaxtooyada Somaliland – Dr. Sacad Cali Shire iyo Maxamuud Xaashi Cabdi ka soo laabteen waddanka Turkiga maalmo ka hor oo ay hawlo shaqo u tageen, waxaanna la filayaa in kulamo kale oo dheeraad ah ay dublamaasiyiin iyo masuuliyiin kale ku dhexmaraan magaalada Nairobi,” ayaa lagu yidhi Afhayeenka KULMIYE ku yidhi warsaxaafadeedkiisa.
Dhinaca kale, Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa qoraal uu soo saaray xalay sharraxaad kaga bixiyey kulanka ay magaalada Nairobi kula yeesheen wakiillo ka socday dalalka Midowga Yurub.
“Waxa aannu ka wadahadalnay arrimo badan oo ay bartilmaameed u tahay doorashooyinka Somaliland ka dhacaya bisha March ee sannadka 2017-ka. Sidii doorashooyinkaas la isaga kaashan lahaa, loona qabyo-tiri lahaa iyo waddamada qaadhaan-bixiyeyaasha, gaar ahaan Midowga Yurub oo aannu uga mahadcelinay doorka ay ka qaataan doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda Somaliland iyo inay lacagta qaybta hadhay waqtiga ku habboon ay bixiyaan. Daabacaadda khaadhadhka cod-bixiyeyaasha, qaybintoooda iyo kharasha doorashada qaybta ku hagaagtay dawladdu inay bixisay ayaannu u sheegnay iyo qaybo dheeraad ah oo ay duruufo keeneen oo ku kabtay, kuwaas oo aan hore miisaaniyadda ugu jirin.
Xukuumadda Somaliland waxay bixin doontaa ilaa laba milyan oo dollar oo dheeraad ka ah lacagtii kharashka doorashooyinka ee loo qorsheeyey inay bixiso oo ahayd 25%, Midowga Yurub-na inay intoodii bixiyaan, iyo guud ahaan sidii doorashada iyo xeerarka ka dhiman loo dardar galin lahaa.
Qodobka labaad ee aannu kala hadalnay safiirrada ayaa ahaa wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, iyagoo waftigu u caddeeyey safiirradaas in Somaliland aanay ka mid ahayn nidaamka doorasho ee ka socda Soomaaliya ee 2016-ka, nidaamka fedaraalka, xildhibaannada la cugayo, Somaliland dhammaan arrimhaasi kama mid aha. Waxa kaloo aannu ka hadalnay wadahadalladii iyo qorshaha Somaliland ugu meel yaal oo aannu ugu warrannay,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiir Xaashi oo ku sugan Nairobi.
Sidoo kale, Wasiirka Madaxtooyada ayaa sheegay inay qaadhaan-bixiyeyaasha ka wadahadleen arrimaha banka Qool-caday, waxaannu yidhi; “Qodobka saddexaad ayaa ahaa waxa shirka fadhiyey dalka Denmark iyo Hay’adda DFID ee deeqaha iyo horumarinta u qaabilsan dawladda Ingiriiska oo ah hay’adaha maalgalinaya mashruuca Qool-caday ee maalintii dhawayd isku dhacu ka yimid, Isfahan la’aantuna ka soo baxday, mashruucaas iyo hirgalintiisa oo ay aad u daynaynayeena waannu kala  hadalnay iyo in si masuuliyad leh loo xaliyo khilaafaadka ku xeeran, isla markaana bulshada meesha deggan ay mashruucaasi ugu faa’iidaysan lahayd.”
“Qodobka afaraad ee aannu kala hadalnay ayaa ahaa abaarihii iyo saamayta ay innagaga tageen, dadkii xooluhu ka baxeen iyo kuwii ay beeruhu ka baaba’een in wali dadkaasi ay xaalad adag ku jiraan, una baahan yihiin in la xooleeyo, kuwa kalena beerahoodii loo tabco, waxaannu u sheegnay in dawladda Somaliland ay Midowga Yurub ka eegayso kaalmo arrimahaas ku adaan. Waxa kaloo aannu u sheegnay inay naga go’an tahay sidii xidhiidhka Midowga Yurub iyo Somaliland kor loogu qaadi lahaa. Annagoo si weyn ugu mahadnaqnay waddamada maalgaliya mashruuca SSDF, iyo mashruuca kale ee biyo ballaadhinta caasimadda ee Midowga Yurub ee maalgaliyo.”
Waxa kaloo uu xusay inay la kulmeen Ku-xigeenka Wakiilka Midowga Yurub ee u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi, kaasoo ay ka wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka Midowga Yurub iyo Somaliland, loogana wada shaqayn lahaa arrimaha dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka.