Araweelo News Network

alshababBaydhabo (ANN) Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyooday, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo degaanka Daynuunaay oo ku yaal duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ku dhexmaray ciidammada Soomaaliya oo taageero ka helayey AMISOM iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab gelinkii hore ee shalay.
Dagaalkan ayaa qarxay kaddib markii xoogagga Al-shabaab weerar lama filaan ah ku qaadeen saldhig ciidammada Soomaaliya iyo AMISOM ku leeyihiin Daynuunaay oo qiyaastii 30-km u jirta magaalada Baydhabo.
Al-shabaab ayaa la sheegay inay saldhiggaas ciidanka oo ay qabsadeen ka qaateen gaadhi yar oo ah kuwa raaxada oo loo malaynayo inay lahaayeen saraakiisha ciidammada Soomaaliya ee xukumayey xeradaas oo dagaalyahannada Al-shabaab saacado kadib iskood uga baxeen.
“Weerarku wuu jiraa, khasaare dhimasho iyo dhawac ah ayaana labada dhinac ka soo gaadhay, laakiin ciidanka dawladda ayaa ka hortagay, dib uga celiyey.” Sidaa waxa ku dooday Wasiirka Warfaafinta maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya Mr. Xasan Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo.
Hase ahaatee, sarkaal lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdulqaadir oo ka mid ah millatariga Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bay, ayaa sheegay in dagaalku ahaa mid xooggan, isla markaana ciidankooda kaga dhinteen 5 askari, sidoo kalena kaga dhaawacmeen 13 askari oo kale.
Waxa kaloo sarkaalku ku faanay inay khasaare xooggan u geysteen dagaalyahannada Al-shabaab ee weerarka ku qaaday saldhigga ciidammadooda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degaanka Daynuunaay, isagoo dhanka kelana ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo khasaaraha ciidanka Midowga Afrika ka soo gaadhay dagaalkaas, waxaannu sheegay in ciiankoodu haatan ku sugan yihiin saldhigga lagu dagaallamay.
Sidoo kale, dadka degaanka ayaa sheegay in ay arkayeen dhawaacyo badan oo ka mid ah ciidammada AMISOM oo laga qaadayey saldhigga ciidankaasi deganaayeen oo dagaal culus  Al-shabaab ku qabsadeen.
Dhanka kale, ilaa shan qof oo kale ayaa ku dhintay weerar kale oo dagaalyahannada Al-shabaab ku qaadeen ciidan saldhigga la weeraray uga gurmaday Baydhabo oo marayey degaanka Maanyo-fuulka, halkaasoo dagaal waqti kooban socday ku dhexmaray labada dhinac.
Weerarkan ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii ay jidka u dhexeeya magaalooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba isku qarxayeen lix nin oo la sheegay inay ka mid ahaayeen Al-shabaab oo doonayey in ay weerarro khasaare badan dhaliya ka fuliyaan magaalada Baydhabo oo xarun u ah Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.