madaxweyne SilanyoxafiiskaDjibouti(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay geerida Allah ha u naxariistee Abbaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Marxuum Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-dhable) oo ku geeriyooday Dalka Djibouti oo xaalad caafimaad loo geeyay.

Dhanbaal Tacsi ah oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ku waxa uu tacsi u dirayaa Guud ahaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Abbaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Marxuum Ibraahim Caydiid Axmed (Dhab-dhable) oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay hogaamiye ciidan oo door muhiima ku lahaa, dib u dhiska iyo qaramaynta ciidamada Qaranka, intii uu ahaa Abbaanduulaha Ciidankana uu ahaa shaqsi ku sifoobay hawl karnimo iyo dedaal ciidanimo.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi taas la mida u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Ciidanka Qaranka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii iyo Asxaabtiina uuka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka.” ayaa lagu yidhi Dhanbaalka tacsida ee kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380