Araweelo News Network

booliska1Hargeysa(ANN)Ciidamadda Amaanka Somaliland, ayaa heegan la geliyay saacadihii u danbeeyay, waxaana si gaar ah loo aadkeeyay Amaanka Caasimadda Hargeysa, iyadoo baadhitaan lagu bilaabay gaadiidka wadooyinka oo Ciidamadu si taxadir ah u feteshayaan.

Muuqaalka Cutub ka mid ah Booliska Somalialnd ee rabashadaha ka hortaga Araweelo News Network

Muuqaalka Cutub ka mid ah Booliska Somalialnd ee rabashadaha ka hortaga Araweelo News Network

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’addaha Amaanka iyo Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha heegganka la geliyay Ciidamadda iyo hawlgalka la xidhiidha,.

Hase yeeshee Weriye ka tirsan shebekadda Araweelo News Network, oo caawa Caweyskii mid ka mid ah Wadooyinka Caasimadda Hargeysa oo Ciidamadda Amaanku ku baadhayaan gaadiidka la kulamay, ayaa weydiiyay saraakiisha ku sugnaa goobta, waxa kusoo kordhay iyo ujeedada baadhitaanka, balse waxay ka gaabsadeen inay tafaasiil ah ka bixiyaan.

“Ma jiraan wax dheeraad ah, balse waxaanu wadnaa shaqadayada oo ah hawlaha Amaanka” sidaa waxa mid ka mid ah saraakiishaa uu goobtaa kula kulmay Weeriyaha ka socday Araweelo News Network, balse waxay Ciidanka Boolisku goobtaa ka kexeeyeen ilaa saddex ka mid ah gaadiidka wadada marayay, kuwaas oo aan la ogayn inay ujeedada hawlgalkaa qayb ka yihiin iyo inay baadhitaanka kadib ka shakiyeen.

Dhinaca kale waxay arrintan kusoo beegantay, xili lagu jiray maanta Fasax, iyadoo ku beegnayd xuska dhalashadii Nebi Maxamed CSW, isla markaana ay meelaha qaar ka socdeen xaflado lagu maamuusayo xuska dhalashadii Nebi Maxamed CSW, oo ay jiraan kooxo wadaado ah oo munaasibadaha sidan oo kale kasoo horjeeda.

sidoo kale waxay arrintan kusoo beegantay dhawr maalmood kadib markii Al-shabaab fariin hanjabaad ah usoo dirtay Somaliland, iyagoo ku dooday in Xukuumadda Somaliland ka joojisay Madaaraska Diiniga ah iyo Masjidada in laga mariyo Kitaabka Al-walaa Wal Barraa, kaas oo ay kooxda Al-shabaab sheegtay in Xukuumadda Somaliland amar ku bixisay in aan loo marin dhalinyaradda da’a ahaan ka yar 20 sanadood, waxaana jira sheegaya in Ciidamadda Amaanka Somaliland ka war heleen hawlgalo lala xidhiidhinayo hanjabaada ka timi Todobaadkii hore Kooxda Al-shabaab oo lagu raad joogo, waxaana lagu heegganka ciidamadda amaanka iyo baadhitaanka gaadiidka ee Caawa ka bilaabmay wadooyinka caasimada inay la xidhiidhaan arrimahaa.

Al-shabaab, waxay dagaal kula jirtaa Xukuumadda Somalia iyo Ciidamadda Midawga Africa ee taageera, waxayna ka talisaa meelo baddan oo Somalia ah, iyadoo qaraxyo iyo dilal qorshaysan ka fulisaa inta baddan Magaalada Muqdisho iyo deegaamo kale oo Somalia ka tirsan, waxayna sidaa oo kale weeraro iyo qaraxyo uga fulisaa guddaha dalka Kenya, ahaan deegaamadda u dhow xadka ay Somalia iyo Kenya wadaagaan, iyadoo weerarkii ugu weynaa ka fulisay dhinaca Somaliland Caasimadda Hargeysa 29-kii October 2008-dii, kuwaas ahaa weerraro khasaare dhaliyay oo lala beegsaday Dhismaha Madaxtooyada Somaliland, Safaaraddii Ethiopia ee Hargeysa iyo xafiiskii Hay’adda UNDP, ee Hargeysa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380