Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network.

Moscow (ANN)-Millateriga Ruushka, ayaa gebi ahaanba burburiyay dhabbaha diyaardaha ee magaaladda saddexaad ee ugu weyn Ukraine oo ahayd marrinka saadka iyo sannadda milalteri ay soo marriyaan Maraykanka iyo xullufada NATO ee la jira Ukraine.

Alt: Araweelo News Network.
Dhabbaha diyaaraddaha ee Odesa oo qiiq hawadda isku sahreeray kaddib markii ay ruushku gantaalo la beegsadeen, Image Araweelo News Network,

Taliska Hawlgalka ee Koonfurta ee Ukraine ayaa sheegay in aannay jirin si dhab ah oo dhabaha Odesa loo isticmaali karo natiijada weerarka gantaalaha ruushka oo burburiyay.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Burburiyay Warshada Gantaalaha Artem Ee Ukraine

Weerar gantaal ah oo laga soo qaaday Ruushka ayaa burburiyay dhabada dayuuradaha ee Odesa, magaalada saddexaad ee ugu weyn Ukraine, taas oo leh deked muhiim ah oo ku taal Badda Madow, sida ciidamada Ukraine Sabtidii ku sheegeen Telegram-ka.

Dhabbaha ay diyaaradduhu ku ordaan ee garoonka Odessa iyo dekedda ay leedahay magaaladu ayaa ah halka marinka saadka hubka iyo saannadda millateri ay u soo mariyaan xukuumadda Ukraine Maraykanka iyo xulufaddiisa NATO, waxaana jira warrar sheegaya in khasaaha ka dhashay weerrarka aannu ahayn oo keliya burbura dhabbaha diyaaraddaha, balse lagu burburiyay hub ay dalalka reer galbeedku ku caaiyeen Ukraine.

Laxidhiidha: Duqaymaha Kyiv Oo Haleelay Duleedka Goob Xoghayaha Qaramada Midoobay Warbaahinta Kula Hadlayay

Wasaaradda Gaashaandhiga ee Ruushka, ayaa ku tilmaantay weerrarka gantaalaha mdi lagu guulaystay oo bartilmaameedku ahaa in lagu buruburiyo hubka yaalay halkaa ee ay Maraykanka iyo xullufadiisu kusoo daabulayeen Ukraine.

Dhankiisa Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa wacad ku maray inuu dib u dhisayo dhabbaha diyaaraddaha si loo helo gargaarka Millateri iyo sahayda ka imanaya dallaka reer galbeedka.

Millateriga Ruushka, ayaa horaantii April duqaymaha cirka goobbo muhiim ah oo ku yaal magaalada Odesa ee Ukraine.

Odesa, oo ah deked muhiim ah oo ku taal xeebta Badda Madow iyo saldhigga ugu weyn ee ciidamada badda ee Ukraine, ayaa inta badan ka badbaaday dagaalka saddexda bilood madaxa la galay, marka laga yimaado weerrarka horaantii April ee lala beegsaday goob shidaalka lagu keydiyo, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, halkaas oo la arkayay qiiq madaw oo cirka isku shareeray, wallow Anton Herashchenko, oo ah la taliyaha wasiirka arrimaha guddaha ee Ukraine oo markaa kaddib bayaan uu soo saaray ku sheegay in qaar ka mid ah gantaallada ay soo rideen difaaca cirka ee Ukraine.

Laxidhiidha: Putin Oo Ku Hanjabay In Hubka Casriga Ee Aannay Cid Kale Haysan Aannay Ku Faannayn Ee Isticmaalayaan

Moscow, waxay hadda bartilmaameedsanay marrinada hubka iyo saannada ee Ukraine iyo goobbaha kaydka iyo warshaddaha lagu farsameeyo hubka, iyadoo maalmo ka hor gantaalo lala beegsaday Kyiv uu ruushku ku tilmaamay kuwo lagu burburiyay warshad hubka lagu farsameeyo gaar ahaan gantaalaha hawadda sare, “Hubka riddada dheer ee saxda ah ee hawada ku salaysan ayaa burburiyay tansiilaadka wax soo saarka ee gantaallada Artem ( Artem ukraine missile ) iyo warshadaha hawada sare ee magaalada Kyiv,” sidaa waxa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Laxidhiidha:Ruushka Oo Poland Iyo Bulgaria Ka Joojiyay Gaasta

Sidoo kale, Ruushka ayaa sheegay bishii February  in ciidankooda ay burburiyeen in ka badan 70 bartilmaameed oo millateri, oo ay ku jiraan 11 garoon diyaaradeed oo ku yaal Ukraine.

“Weerarada ay fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Ruushka awgeed, waxaa la burburiyay 74 xarumood oo ay leeyihiin ciidamada Ukraine,” sidaa waxa yidhi, Igor Konashenkov, afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Ruushka.

Laxidhiidha: Ukraine: Saraal U Hadlay NATO Oo Sheegay In Ukraine Iyo Xullufadu Aannay Marnaba Iska Baacin Karin Ruushka

Xarumaha la burburiyay ayuu ku sheegay in ay ka mid ahaayeen 11 garoon diyaaradeed, saddex saldhig oo taliska ah iyo 18 xarumood oo raadaar ah oo ay ka mid yihiin  kuwa raadaarada gantaalaha S-300 iyo Buk-M1 ee nidaamka gantaallada lidka diyaaraddaha, ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Mariupol Magaaladii Wadnaha Ukriane Oo Gacanta U Gashay Ruushka

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com