Araweelo News Network

Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre


New York(ANN)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay guulo muhiim ah ka gaadhay dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, balse cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran dalka ay xaddidayso in laga guul gaadho ujeeddada dagaalka.

Waxa uu sheegay in argagixisada ay weli tahay mid ka mid ah caqabada waaweyn ee haysta dalkiisa, iyadoo cawaaqibka ka dhashayna laga dareemay buu ayuu yidhi caalamka oo dhan.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la mideeyo dadaallada ku waajahan sidii looga hortegi lahaa Aafadaas.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in la sameeyo “dadaalkasta oo aan ku dhimayno koboca iyo galaangalka ururrada argagixisada caalamiga ah sida ISIS iyo Al-qaacidah, kuwaas oo aan ognahay inay saameyn ku leeyihiin argagixisada gudaha.” Ayuu yidhi Khayre.

“Waa in la laban laabaa dadaallada lagu sameynayo faragelinta ka dhanka ah kooxahaasi oo kale.” Ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay gaadhay guulo wax ku ool ah oo ay ku yaraysay awoodda Al-Shabaab.

Hasayeeshee waxa uu sheegay in cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay si weyn u xaddidayso in guul laga gaadho ujeeddada dagaalka ay dawladiisu kula jirto Aragagixisada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay sii wadi doonto sidii ay ugala shaqeyn laheyd Golaha Ammaanka iyo dhinacyada kaleba sidii cunaqabateynta hubka dalka looga qaadi lahaa, isagoo tilmaamay in arrintaasi ahmiyad weyn u leedahay sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa.