gadhidagaalAl-shabaabMandheera(ANN)Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia iyo gudaha xadka Kenya ee ay Somalia wadaagaan, ayaa sheegtay inay dileen ugu yaraan sadex sarkaal oo ka tirsan Bilayska Kenya oo marayay deegaanka Ceel Waaq, isla markaana usii jeeday dhinaca Mandheera.

“Mujaahidiintu kamiin ayay udhigeen Ciidamo Kenyaan ah oo watay hal gaadhi oo kasoo baxay Ceelwaaq kuna socday Mandheera”ayuu yidhi Sheekh Cabdalcasiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka Ciidamada Al-shabaab oo u waramay Idaacada Al-Furqaan.

“rasaas ayaa lagu furay Gaadhiga kadibna wuu istaagay,halkaasi waxaan ku dilnay sadex askari oo uu ku jiray sarkaal Booliska Kenya katirsan”ayuu hadalkiisa raaciyay Abuu Muscab, isagoo xusay in ciidankoodu gubay gaadhigii ay wateen askarta Kenya, wuxuuna weerarkaa ku tilmaamay kii 10aad ee ay bishan gudeheeda ka fulayaan gudaha dalka Kenya.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Amaanka ee Kenya, ayaa Idaacada BBC laanteeda Somaliga u xaqiijiyay weerarkaa, wuxuuna sheegay in gaadhigaa oo ay saarnaayeen saraakiil iyo Askar tiradooda uu ku sheegay Lix ay wadeen Sarkaal loo bedelay deegaankaa, balse ay Al-shabaab jidka u galeen.

kooxda Al-shabaab, waxay weeraro gaadmo ah ku qaadeen ciidamo Kenyaan ah marar baddan sidan oo kale gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegamada u dhow xadka ay la wadaagto Somalia.

Toddobaadyadan ugu danbeyey waxaa halkaa ka dhacayey weeraro ay qaadayaan kooxdaasi. Kenya ayaa ciidamo u dirtay Soomaliya 2011 si ay u jabiyaan kooxdan mintidiinta ah, balse waxba kama beddelin xaalada Somalia, iyadoo weerarada gudaha dalka Kenya ee Al-shabaab sabab u noqdeen gelitaanka Ciidanka Kenya ee Somalia.

Dhinaca kale Al-shabaab, ayaa sheegtay inay qabsadeen maanta deegaanka muhiimka ah ee Qoryooley oo ka tirsan shebeelada Hoose.

Kadib dagaallo culus oo ka dhacay degmada Qoryooleey ayay ciidamada sheegeen inay u suurta gashay inay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta degmadaasi, isla markaana la wareegeen xarumaha maamulka sida saldhigga Booliska iyo xarunta degmada.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidanka shisheeyaha ee AMISOM ayaa la xaqiijiyay in ay ka gudbeen Buundada Qoryooley iyadoo aan la ogeyn halka ay qabteen.
Al-shabaab, ayaa hore looga qabsaday deegaanka oo ah mid muhiim ah iyo deegaamo kale oo Koonfurta Somalia iyo Badhtamaha ah.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380