Araweelo News Network

xafladaguddoomiyuhuka hadlayHargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhalliilay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo in aanay si cad u jeexin dariiq lagu gaadhi karo aqoonsiga dalku raadinayo muddada uu madaxbannaanida haystay.

Guddoomiye Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey taageerayaal ku biiray xisbiga WADDANI shalay oo lagu qabtay Ambassador Hotel ee magaalada Hargeysa, waxa kaloo uu tilmaamay in mugdi badan galay xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka jaarka.
xafladawaddani
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland inoomay jeexin waddo cad oo ay ugu talogashay in lagu gaadho ictiraafka Somaliland. Mararka qaarkoodna waxa soo baxa werwer mugdi gelin kara rajada ictiraafka sida kuwii ku soo baxay WIKI LEAKS. Waxaan dhammaanteen dareemaynaa hoos-u-dhac ku yimi cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka aan deriska nahay. Siyaasadda Xisbiga WADDANI waxa weeye in aan shacbiga ka saarno werwerka, una jeexno waddo lagu gaadhi karo ictiraafka,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro. 

Xisbigu waxa uu soo bandhigay Barnaamijkiisa siyaasiga ah oo qabyo-qoraal ah. Shacbigu wuu soo dhaweeyey gudo iyo dibed. Wixii talooyin ee cusubna waa lagu kaabaya.  Waxaa barnaamijka siyaasiga ee Xisbigu yahay in la dhiso dal taladiisa iyo khyraadkiiisa u siman nahay oo la wada leenahay, hela ictiraaf caalami ah, kuna dhisan caaddaalad guri kasta gaadha oo muwaadin kasta gaadha, anniguna waxaan idiin sheegayaa in aanan hore u ahayn, haddana noqon doonin nin reer.”

Waxa kaloo uu ka hadlay tiirarka uu ku taagan yahay hiigsiga xisbiga WADDANI, waxaannu yidhi; “Hiigsiga WADDANI waa Jamhuuriyadda Somaliland oo ku waarta dal iyo dad mideysan.  Barnaamijku waxa uu ka kooban yahay shan tiir:

1. Ictiraafka iyo xidhiidhka caalamiga ah
2. Dib-u-qaabeynta iyo siyaasadda (political reform)
3. Xaqiijinta koboca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka
4. Arrimaha Bulshada
5. Kor-u-qaadida heerka noloshada bulshada.”

Guddoomiyaha WADDANI, ayaa sidoo kale caddeeyey inay taageersan yihiin in diwaangelinta codbixiyeyaasha laga hirgeliyo meel kasta oo degaannada Somaliland ah, si nabad ahna loo gayn karo sanaaduuqda codbixinta.
“Si ay aynu u helo doorashooyin xor oo xalaal ah, waxa sharcigu waajibiyey in la sameeyo

diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taasoo bilaabmeysa bisha kowaad 2016. Waxaan u soo jeedinaynaa dhammaan shacbiga Somaliland bari iyo galbeed inay isdiiwaangeliyaan. Xisbiga WADDANI waxa uu teegeersan yahay in diwaangelinta laga dhaqan-geliyo meel kasta oo nabadgelyo iyo ammaan lagu geyn karo sanduuqa codbixinta,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa Xisbiga WADDANI farayaa dhammaan madaxdiisa iyo taageerayaashiisa inay u hoggaansamaan shuruucda, xeerarka, dastuurka iyo xeerka hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha (Code of Conduct). 

Waxa Xisbiga WADDANI ugu baaqayaa shacbiga ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida xiliga diiwaangelinta. Waxa kaloo uu xukuumadda u soo jeedinayaa inay inay sugto ammaanka qaranka xiliga diiwaangelinta.” 

Waxa kaloo uu ka digay dib-u-dhac ku yimaad diwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, waxaannu yidhi; “Waxaan ka digaynaa dib-u-dhac ku yimaad diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. 

Waxaan eebbe ka baryeynaa inuu abaaraha inaga qaboojiyo, raxmadiisa waasaca ahna ina siiyo. Xukuumadda Somaliland waa inay u gurmato shacbiga abaaruhu saameeyeen, beesha caalamkana baaq ugu dirtaa, shacbiguna gacan ka geystaa gurmadkaas.”

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380