Washington(ANN)-Aqalka Senate-ka Mareykanka , ayaa taageeray go’aanka ka soo horjeeda qorshaha Madaxweyne  Donald Trump ee ahaa inuu sii wado iibinta hubka ee dalalka  Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka, taas oo sababtay welwelka ay ka muujiyeen Haya’addaha xuquuqda Aadamahu arrinta hubka laga iibiyo dalalkaa.

Aqalka sare ee Baarlamaanka, ayaa u codeeyay 53 illaa 45 Khamiistii si ay u ansixiyaan ugu horeyntii seddexda qaraar ee lagu xakameyn lahaa iibinta hubkaa oo qiimaha lacagtiisu gaadhay $ 8.1 bilyan, kaas oo ahaa horaantii sanadkan. Qaraar labaad ayaa soo maray 53 illaa 45, iyo cod saddexaad oo soo koobaya go’aanka 20ka ee lagu ansixiyey 51-45.

Kadib markii ay ansaxiyeen Aqalka Odayaasha ee Senat-ka, go’aankaas wuxuu u baahan yahay in uu sii maro Wakiillada oo ay awood ku leeyihiin xisbiga Dimoqraadiga ah.

Oggolaanshaha, ayaa kusoo beegmay xilli  uu ku baaqayo Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Guud ee Senate-ka Mitch McConnell si uu ugu codeeyo go’aanka kasoo horjeeda u qaraarada.

Bob Menendez iyo Lindsey Graham, oo kala hoggaamiya  Jamhuuriga iyo Dumuqraadiga, yaa sheegay in ay farriin u direen Sucuudi ga, iyagoo u sheegay in Washington annay ku kalsoonayn xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ay samaynayaan oo ay ka mid yihiin dilkii saxafigii Jamal Khashoggi oo lagu dilay Oct, Sannaadkii hore 2018,  qunsuliyada Sacuudi Carabiya ee Turkiga.

Waxay sidoo kale muujiyeen walaac qoto dheer oo ku saabsan Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta oo ku saabsan dagaalkii ay ka wadaan Yaman, halkaas oo labada dal ay ku dagaalameen dagaalyahannada saboolka ah tan iyo 2011-kii.

Hogaamiyaha Aqlabiyadda Guud ee Senate Mitch McConnell , ayaa codkiisa ku dhawaaqay Arbacadii, ka dib markii xildhibaannadu ay soo jeediyeen qaraarka  22 oo ay ku diiddanayn heshiisyada.

Isagoo ka soo horjeestay qaraarrada, McConnell, isaga oo xusay xiisadda Iran, wuxuu yiri, “Waqtiga kama sii badnaan karto Golaha Guurtida si ay u soo diraan signalka khaldan.”

Sharci-dejinta, waxay qaadeen tallaabooyinkaa, laakiin waxay ku guuldaraysteen in ay u helaan garab saddex-meelood laba oo loo baahan yahay si ay u tirtiraan diidmada qayaxan ee Trump oo ballan-qaaday in ay joojinayso ficilada golaha si loo sii wado heshiisyada.

Qaararka lagu diiday Iibka hubka ee dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka, ayaa kusoo beegmay, iyadoo xiisad kulul u dhaxayso Maraykanka oo ay xulufo yihiin Dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka iyo Iran oo ay hanjabaado warbaahinta isu marinayaan.

Sidoo kale Qaraarka Aqalka Sanatka Maraykanka ayaa kusoo beegmay, iyadoo Iran maalmihii lasoo dhaafay Diyaarad Milateriga Maraykanku leeyahay oo ay sheegeen inay soo gashay hawadooda, Madaxweyne Trump, ayaa sheegay inuu hakiyay toban daqiiqo ka hor markii jawaab duqayn ku waajahnayd saddex goobood oo dalka Iran ah ay fulin lahaayeen ciidamada Maraykanka ee ku sugan gacanka Khaliijka.