Araweelo News Network

Shirka Gollaha wasiiradda Somalia

Muqdisho (ANN)-Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya, ayaa lagu amray inay hubka iyo gaadiidka ciidanka ee ay haystaan dib ugu celiyaan gacanta taliska ciidanka Soomaaliya muddo 10 maalmood gudahood ah.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay shir Golaha Wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxa ugu ay soo dhaweeyeen Shirka London ee lagaga hadlay arrimaha Soomaaliya, halka ay sidoo kale Golaha Wasiirradu warbixin ka dhegeysteen Taliyeyaasha ciidamada ee Booliiska, Xooga Dalka iyo Nabad-Sugida. Warbixin tifatiran ee la xidhiidha sugida amniga iyo nabadeynta dalka Soomaaliya ayaa golaha wasiirradu ka doodeen, isla markaasna ku biiriyeen tallooyinkooda.
Go’aanada ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo cod lagu ansixiyey, waxay u qornaayeen sidan;
1. In la sameeyo ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda Muqdisho oo isugu jira Boolis, xoogga dalka iyo Nabadsugid, kuwaas oo leh hal talis oo leh hoggaan mideysan.
2. Caasimadda waxaa laga mamnucay ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-
a.Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
b. Aan wadan warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah.
Ciddii ku xad-gudubta awaamiirtan, waxay mutaysan doonaan in Sharciga lala tiigsado.
3. Ciidamadda Soomaaliya ee ka qaybqaadanaya Howlgalka Xasilinta Caasimadda, waa inay ka midyihiin HORIN “Polizia-Militariya”
4. Caasimadda waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka, iyadoo aan loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.
5. Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta hubka, gaadiidka iyo Ciidanka, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya muddo 10 maalmood gudohood ah
1. Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaadhi kasta iyo ugu badnaan 2 gaadhi, mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.
2. Iyadoo la fulinaayo jiheynta iyo Tilmaamaha Madaxweynaha Soomaaliya, waxay Guddiga Amniga Qaranka go’aamiyeen in Degmada Afgooye ay ka mid noqoto Howlgalka xasilinta Caasimadda.
3. Waxaa Taliska Ciidanka Boliiska laga doonayaa in muddo 60 maalmood ah ay ku soo dhisaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.
4. Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.
5. Ilaalada Goobaha Ganacsiga, sida Hudheelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay mas’uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, amma u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.
6. Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan-geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.
7. Howlgalka xasilinta Caasimadda Muqdisho wuxuu u bilaaban doonaa si degdeg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.
8. Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka iyo Baraarujinta dadweynaha, iyagoo kaashanaya Wasaaradda Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hay’adaha amniga.
9. Wasaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu mas’uul ka ahaan doonaa:-
a. Doorka warbaahinta ee la xidhiidha Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafadda loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.
b. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madaxbannaan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee Khamiistii.