Araweelo News Network

President of the Republic of Somaliland, Ahmed Mohamed Mohamoud
Silanyo and DP World Group Chairman and CEO Sultan Ahmed bin Sulayem


Hargeysa (ANN)- “Casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera waxay u ahayd bar-tilmaameed barnaamijka waxqabadka xukuumaddayda. Waxaan aaminsanahay in maanta dariiqa ugu habboon ee aynu ku dhisi karno dalkeenna hooyo uu yahay, in aynu la nimaadno siyaasad ganacsi oo furfuran, taas oo inoo sahli karta in aynu hello maalgashi caalami ah oo ku dhisan dano-wadaag (Mutual Interest).” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xaflad uu si rasmi ah maamulka Dekedda Berbera ugu wareejiyey shirkadda DP World ee maalgashiga ku samaynaysa.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in aan dalna horumar ku gaadhi karin caawimooyin caalamku u ururiyo, balse ummad waliba badhaadhe iyo barwaaqo ku gaadhi karto talo iyo tacab midaysan.
“Shirar maalmo lagugu martiqaado iyo maqdarad adduun-weynuhu kuu dhigo, oo hadba laguugu manno sheegto, midna qaran kuma meel maro. Hase yeeshee, ummad waxay asaageeda ku gaadhi kartaa oo qudha himilo cad, hammi fog iyo hal-abuur uu saldhig u yahay tacab, talo-wadaag iyo isku tashi. Waxaan leeyahay shacbigayga, waynu isku tashanaynaa, Ilaahayna waynu talo saaranaynaa. Waxa dhab ah murtida Soomaaliyeed ee tidhaa; “Biyo sacabbadaada ayuun baa lagaga dhargaa!”
Waxa kaloo uu shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay la jaan-qaadaan tartanka ganacsiga ee ka socda mandaqadda bariga Afrika, waxaannu yidhi; “Mandaqadda Geeska Afrika, waxa ka socda tartan ganacsi oo dhinacyo badan leh, taas oo waxtar u leh shucuubta ku dhaqan Geeska Afrika. Sidaa darteed, Somaliland oo ku taal boqcad istraatiiji ah, oo muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamka waxa inala gudboon in aynu la jaan-qaadno horumarkaas ka socda dalalka aynu deriska nahay.”
Waxa uu intaas sii raaciyey, “Anigoo hoggamiye ahaan ka duulaya aragtidaas waxay xakuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay dedaal dheer u gashay sidii maalgelin ku habboon loogu heli lahaa marsada caalamiga ah ee Berbera. Eebbe mahaddii riyadaasi way rumowday. Sidaa awgeed, waxaan bulshada Somaliland ku boorrinayaa in ay la yimaaddaan talo midaysan iyo towfiiq wanaagsan, isuna diyaariyaan maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalkeenna ku soo aaddan.”
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo ka hadlayey faa’iidooyinka maalgashiga Dekedda Berbera u yeelan doono horumarka bulshada Somaliland, waxa uu yidhi; “Maalgashiga, casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera wuxuu wax weyn ka beddeli doonaa nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Somaliland. Waxa kaloo uu dhiirrigelin u noqon doonaa mashaariic kale oo muhiim ah iyo shirkado caalami ah oo dalka maalgashi ku sameeya.
Dhinaca kale, maalgashigani waa mid fursado shaqo u abuuri doonaa xoogga dhallinyarada dihin ee shaqo la’aantu hayso. Wuxuu kor u qaadayaa iskaashiga ganacsi ee aynu la leenahay dalalka deriska. Sida oo kale, wuxuu kor u qaadi doonaa xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaas oo ahaa mid soo jireen ah qaraniyo badan, awow illaa ka awow.
Sida aad la socotaan, waxa jira heshiisyo kale oo Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Isu-tagga Imaaraaadka Carabtu wada galeen, kuwaasoo ah kuwa amni iyo ganacsi, sida saldhigga millatari iyo shirkadda diyaaradaha ee FlyDubai oo si joogto u timaada maalin kasta Jamhuuriyadda Somaliland. Heshiisyadaas kala duwan waxay sii xoojinayaan iskaashiga iyo wax-wada-lahaanshaha labada dal.”
“Xidhiidhka Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ma aha mid imminka bilaabmay, laakiin waa mid muddo dheer oo soo jireen ah. Waxaan xasuustaa yaraantaydii markii aan magaalada Berbera ka baranayey Qur’aanka kariimka ah, inuu jiray xidhiidh ganacsi oo xooggan oo ka dhexeeyey labada shacab,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu khudbaddiisa ku soo hooriyey mahad-celin iyo ammaan uu u jeediyey madaxda kala duwan ee dawladda Imaaraadka Carabka iyo dadweynaha ku dhaqan Gobolka Saaxil, “Ugu dambayn, waxaan jecelahay in aan mahadnaq ballaadhan u soo jeediyo Madaxweynaha dawladda aynu walaalaha nahay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Khaliifa Binu Zaayid Aal Nahyaan, Waliyul-cahdiga Sheekh Muxammed Bin Zaayid Aal Nahyaan iyo Ra’iisal-wasaaraha Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Raashid Aal Maktoom iyo guud ahaan shacbiga dalka Imaaraadka Carabta.
Sida oo kale, waxaan iyana halkan uga mahadnaqayaa dhammaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan shacabka ku dhaqan Gobolka Saaxil sida diirran ee ay u soo dhoweeyeen mashruuca casriyeynta Dekedda Berbera. Waxaan si gaar ah ugu bogaadinayaa waayeelka, waxgaradka iyo haldoorka Gobolka Saaxil sida hagar la’aanta ah ee ay isu barbar taageen mashaariicda dalka iyo dadkaba waxtarka u leh ee ka socda magaalada Berbera.”
“Milgo iyo maamuus weyn ayey ii tahay in aynu maanta isugu nimaad xafladdan taariikhiga ah ee ku suntan iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Waxa dhammaanteen farxad iyo yididiillo inoo ah in maanta si rasmi ah Dekedda Berbera uga mid noqotay dhowr iyo toddobaatanka dekedood ee ay maamusho ama maalgelinayso shirkadda caalamiga ah ee DP World, taas oo qarankan u horseedi doonta inay u soo jiiddo saaxiibbo iyo xidhiidho ganacsi oo dhiirrigelin kara maalgashi badan oo hor leh,” ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Madaxweynaha Somaliland.