Hargeysa(ANN)-Guddida joogtada ah ee golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa la kulmay Wasiirka wasaaradda Horrumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi Bade kulankaa oo ahaa mid albaabada loo xidhay, waxa markii uu soo dhammaaday saxaafada wadajir ula hadlay barxada hore ee xarunta Wasiirka iyo Guddoomiyaha guddida Maxamed Axmed Cabdi, Xildhibaan Carabayto, waxayna warbaahinta si kooban sharaxaad uga siiyeen waxyaabaha ay kulankaa kaga wada hadleen.


Dr. Axmed Carabayta, ayaa sheegay in ka guddi ahaan iyagoo ka wakiil ah golaha wakiiladda ay masuuliyiinta xukuumadda la yeeshaan xogwaraysi, iyagoo xogtaa wixii lagama maarmaan noqda u gudbiya golaha, marka uu kasoo laabto fasaxa, wuxuuna xusay in kulanka ay la yeesheen wasiirka Caafimaadka uu la xidhiidhay arrimahaa, isla markaana uu xog wanaagsan ka siiyay hawsha Wasaaradda ee horrumarinta Caafimaadka dalka, isagoo dhinaca kalena xusay inuu u iftiimiyay waxyaabaha ay doonayaan in lagu horrumariyo caafimaadka, sidii uu bulshadda u wada gaadhi lahaa iyo carqaladaha hortaagan.


Wasiirka Caafimaadka Cumar Cali Cabdullaahi Bade oo markaa kadib dhankiisa warxbin ka siinaya saxaafada waxyaabaha ay guddida joogtada ah ee golaha wakiiladda ka wada hadleen, ayaa yidhi, “Waxaan iska waraysanay shaqaalaha caafimaadka, tayayntooda mushaharkooda, hawgelintooda iyo daba-galka hawlaha ay qaranka u hayaan, si dadku u helaan adeeg caafimaad oo tayaleh.” ayuu yidhi, Wasiirka Caafimaadka Somaliland. Cumar Bade.


Sidoo kale, wuxuu sheegay inay ka wada hadleen sidii adeegyada Caafimaadka loo gaadhsiin lahaa gobolada iyo degmooyinka oo ay horeeyaan xarumaha Hooyada iyo dhalaanka (MCH) si ay u helaan adeeg caafimaad iyo sidii xarumaha Hooyada iyo dhalaanka meelaha ay hada ku yaaliin loo tayayn lahaa.


“Haddaad hesho Dawo fiican oo aannad helin baadhitaan fiican dawadii waxba tarimayso, hadaad baadhitaan fiican hesho oo aanad daawo fiican helina waxba tarimaayo baadhitaankii, Waad ogtihiin in dhowaan shaqaale badan oo ajaanib ah dalka laga saaray kadib markii la qiimeeyay dhakhaatiirta ka hawlgala goobaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, markii lagu qanciwaayay aqoontooda.” ayuu yidhi, Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi Bade.


“Qofka bukaanka ah, haddii la geeyo Cusbitaal gaar loo leeyahay iyo haddii la geeyo Cusbitaalka dawladda wuxuba waa Somaliland oo Cusbitaalada gaarka ah, waxay ku dhisan yihiin sharciga Wasaaradda, waana horrumar ku yimi hogsigeena, mana aha wax ay cid kale keentay, arrintana waa tallaabooyinka aan hadda ku socono, Amarka Madaxweynuhuna wuxuu u baahanyahay siyaasad, Istiraatiijiyad iyo qorshe, waana lagu jiraa oo maalinba tallaabo ayaan qaadaynaa.” ayuu yidhi, Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay halka uu ku danbeeyay amarkii Madaxweynaha ee ahaa in Masuuliyiinta Dawladda hadday xanuunsadaan aan loo qaadayn dhakhtar Dibadeed, ama aan la dhigayn Cusbitaal gaar loo leeyahay ee ka dawladda lagu dawaynayo.