Muqdisho(ANN)-Xildhibaanada Baaralamaanka ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa  cod u qaaday sharciga shidaalka oo maalmahan ay ka doodayeen.

.

Xubnaha baarlamaanka, ayaa sharcigan ku ansixinayay cod gacantaag ah, waxaana oggolaatay 150 xildhibaan, halka 4 keliya ay diideen, iyadoo hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada ay muujiyeen inay doonayaan in sharcigaasi laga soo celiyo baarlamaanka si wadatashi loo geliyo, hase yeeshee madaxda dawladda federaalka ayaa ku adkaystay inay u daynayaan baarlamaanka oo xaq u leh in ay ansixiyaan ama diidaan..

Sharciga cusub, ayaa imanaya iyadoo dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay isku diyaarinayso inay dhammaadka sannadkan bixiso qandaraasyada sahaminta shidaalka ee dalka kadib shirikii shidaalka Soomaaliya ee bishii February ee sannadkan lagu qabtya London.

Dawladdii ku meelgaadhka ahayd ee Soomaaliya, ayaa hore u samaysay sharci, 2008, kaas oo sharciga shidaalka ee xilligan uu wax ka beddelayo.