Hargeysa(ANN)-Shirkadda daabacaada casriga ah ee Sagal Jet, ayaa deeq isugu jira Xoolo nool iyo dharkii Ciidda gaashsiiysay Carruurta lagu daryeelo xarunta Agoomaha Hargeysa, taas oo ay ugu talo gashay bisha barakaysan ee Ramadaan oo laba todobaad ka hadheen munaasibada Ciidda.

Shirkadda Sagal jet iyadoo ka duulaysa ahdaafteeda oo ah in la caawiyo Bulshada waxay mar kale maanta guddoonsiisay 65 Carruur ah dharkoodii Ciida iyo 35 Neef oo adhi ah xarunta Agoomaha ee Hargeysa” sidaasi waxa sheegay Sacad Cabdi Sheikh oo kamida Saraakiisha sar sare ee Shirkada Sagal Jet oo ka hadlayey munaasibad shirkaddiisu ku wareejisay deeq isugu jirta Dhar iyo Xoollo nool oo ay ku caawisay xarunta Agoomaha Hargeysa.

Shirkadda Sagal Jet ayaa ah mida ugu weyn ee dhanka Daabacadda ee ka jirta Somaliland, waxaanay dhinaca kale qiimo-dhimis dhan 25% ku samaysay Iibka Daabacaddaha ay samayso Bisha Ramadaan.

Sacad Cabdi Sheikh oo ka mid ah Saraakiisha Shirkadda Sagal Jet, ayaa yidhi, “ Shirkad ahaan noqon mayso markii ugu dambeysay ee ay shirkaddu caawimo gaadhsiiso xaruntan, horena waanu u nimi oo qayb-baanu ka ahayn xarunta, maantana waxaanu ugu nimi Ramadan oo kala badh ah inay dadka kale ee wax la baxayaa nagu daydaan”ayuu raaciyey isagoo Ganacsatada iyo dadka wax haysta ugu baaqay inay gacan u fidiyaan dadka Jilicsan.

Caasha Maxamed Qaalib oo ah Agaasimaha xarunta Agoomaha Hargeysa oo Shirkadda ka guddoontay Kaalmadan, ayaa uga mahad-celisay Shirkadda deeqda ay soo gaadhsiiyeen, waxayna intaasi raacisay “Ganacsatada kalena waxan ugu baaqayaa inay ka war hayaan Carruurta agoomaha ah oo ay ugu yaraan soo booqdaan”ayey tidhi Agaasime Caasha.

Saraakiil kale oo ku hadlayey afka xarunta ayaa iyaguna Shirkadda Sagal jet ku hambalyeeyey caawimada ay soo gaadhsiisay xarunta lagu daryeello ubadka Agoomaha ah oo aan ahayn markii u horaysay ee ay deeq sidan oo kale gaadhsiiso shirkadda Sagal jet.