Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabduqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay in Safiirka Ingiriiska ee dhowaan Somaliland yimi loo sheegay war aan jirin oo ah in laga heshiiyay arrinta saami qaybsiga ee Baarlamaanka oo qayb ka ah caqabadaha ku xeeran arrimaha doorashada.

Xildhibaan Cabduqaadir Jirde, oo warbaahinta kula hadlay maanta magaalada Hargeysa, ayaa yidhi, “Safiirka UK, waxa loo sheegay war been ah oo la leeyahay waxa laga heshiiyay saami qaybsigii oo gobaladii Sool, Ceergaabo iyo Awdal iyo beelihii ka cabanayay saami qaybsiga, ayaa ogolaaday  in sidii hore lagu galo, waana arin laga been abuurtay goboladaa iyo beelahaa cabanayay miyaad maqasheen Odayaal lala shiray iyo cid loo yeedhay oo arrintaa lagaga hadlay” ayuu yidhi Jirde.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabduqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, waxa uu ka digay dhaqdhaqaaqyo uu sheegay inay Xisbiyada Kulmiye iyo UCID wadaan oo ay ku doonayaan inay labadoodu ku galaan doorashada, isla markaana waxay hoggaanka labadaas Xisbi xubno ka tirsani Nairobi ku joogaan, kuwaas oo sida uu xusay doonaya inay qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland doorashada ka taageera qiil uga raadiyaan taageerada doorasho labadooda xisbi oo keliyi galaan, taas oo uu Jirde ku tilmaamay mid aan suuragal noqon Karin.

Sidoo kale Xildhibaan Jirde, wuxuu ka hadlay arrinta muranka iyo wada hadaladii u dhexeeyay Xisbiga oo uu sheegay in Xisbi ahaan ay iyagu mar walba tanaasul muujinayeen, wuxuuna tusaale usoo qaatay xubnaha Komishanka oo muranka ugu weyn ka jiro, isagoo yidhi, “Waxaanu soo jeedinay in saddexda Xisbi laba laba xubnood keenaan Madaxweynuhuna xubinta todobaad keeno, sidaana lagu beddelo, markaa runtii cida doorasho doonaysaa waa anaga ee maaha cid wax aan jirin oo aan dhacayn wada” ayuu yidhi, Guddoomiye Jirde.

Hadalka Guddoomiye Cabduqaadir Jirede, ayaa kusoo beegmay kadib markii Madaxweynaha Somaliland khudbad uu ka jeediyey Xaflada 18 May, ku sheegay in Doorashada Baarlamanka la qaban doono Bisha November ee sanadkan, isagoo ugu baaqay Xisbiga WADDANI inay ka qaybgalaan Doorashada.