Araweelo News Network

madaxweynexasansheekhMuqdisho(ANN)Madaxweynaha maamulka taagta daran ee Muqdisho Mr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray xeer uu ku go’aamiyey hannaanka ay noqon doonto doorashada madaxtinimada dadban ee loo qoondeeyey inay dalka Soomaaliya ka qabsoonto sannadkan 2016, isagoo indhaha ka qarsaday awoodaha baarlamaanka Muqdisho u leeyahay arrintaas.
Go’aan uu ka akhriyey shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiska madaxtooyada ee Muqdisho ku qabtay shalay, waxa uu Xasan Sheekh ku sheegay in si looga fogaado khilaaf ka dhex dhasha Baarlamaanka Federaalka, dawladda dhexe iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya inuu u soo saaray xeer uu ku tilmaamay mid dan u ah maslaxadda guud ee bulshada dalkiisa.
Xeerka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku go’aamiyey qaabka ay noqonayso doorashada dadban ee madaxtinimada Soomaaliya ee u muddaysan bisha August ee sannadkan oo ka kooban laba qodob waxa ay kala yihiin:
“Qodobka 1aad
1. In la dhaqan geliyo go’aanka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ay si wadajir ah u wada qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay war-murtiyeedkii ay soo saareen 12-kii April 2016 iyo soo-bandhigidda hannaanka doorashada sannadka 2016 ee 30/04/2016 ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya;
2. In hannaankan loo adeegsanayo doorashada 2016 oo keliya, marka ay dhammaato muddada dastuuriga ah hay’adaha sharci-dejinta iyo fulinta.
Qodobka 2aad
1. In la ilaaliyo mabda’ dastuuriga oo ah inay Aqalka Sare ee Baarlamaanka metalaad ku yeeshaan dhammaan degaannada Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.
2. Suurtogalinta habka ay ku imanayso matalaadda Muqdisho ee Aqalka Sare iyo xallinta wixii tabasho ah in go’aan lagaga gaadho shirka soo socda ee Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka.
Xeerkan ayaa dhaqan-galey maanta [shalay] kadib markii uu si rasmi ah qallinka ugu duugay Madaxweyneha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku yidhi go’aankiisa.
Dhinaca kale, baarlamaanka Muqdisho, ayaa diiday xeerka uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo yimmi kadib markii beesha caalamku culays weyn saartay Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in Beesha Caalamku madaxweynaha Soomaaliya ku riixday go’aan khaldan inuu qaato, wuxuunna caddeeyey in tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh tahay mid sharci-darro ah.
Xildhibaannada Baarlamaanka oo aad uga cadhaysan xeerka Xasan Sheekh soo saaray shalay, ayaa bilaabay inay yeeshaan kulamo gaar gaar ah oo ay kaga arrinsanayaan go’aankaas oo ay ku sifeeyeen mid sharciga baalmarsan, waxana jirta xiisad xoog leh oo ka taagan Muqdisho, waxaanay inta badan xildhibaannadu diidan yihiin xeerka Madaxweynaha ka soo baxay.
Waxa laga cabsi qabaa in khilaaf cusub ka dhex bilowdo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo xaaladda kala guurka ah ay ku dhammaato hirdan siyaasadeed.