Araweelo News Network
Qorshayaasha Dawladda Jabuuti iyo xisbiga WADDANI ku doonayaan inay u adeegsadaan dagaalkooda ka dhanka ah hirgelinta heshiiska Somaliland la gashay shirkadda DP World

Photo file: madaxweynaha Jabuuti iyo Guddoomiyaha xisbiga WADDANI

Photo file: madaxweynaha Jabuuti iyo Guddoomiyaha xisbiga WADDANI


Hargeysa (ANN)Xoggo cusub oo soo baxay, ayaa iftiimiyey in xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo dawladda Jabuuti qorshaynayaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen shirqool lagu fashilanayo heshiiska maalgashiga dekedda Berbera ee xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland la saxeexatay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
Sida ay iftiimiyeen xogo Jamhuuriya ka helay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay shalay, masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa dawladda Jabuuti wadahadal kala yeeshay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen dagaal dhaqaale xooggan oo loo adeegsado si meesha lagaga saaro heshiiska maalgelinta dekedda Berbera oo ay ku baxayso lacag dhan $442 milyan dollar oo lagu ballaadhinayo, laguna casriyeynayo marsada.

Wefti madaxweynaha Somaliland hoggaaminayey oo safar ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa heshiis hordhac ah oo dhinacyo badan ka kooban la saxeexatay shirkadda DP World, taariikhdu markii ay ahayd 9 May 2016, balse xisbiga WADDANI ayaa isla markiiba muujiyey inuu ka soo horjeedo heshiiskaas.
“Waxa nasiib-darro iyo wax laga xumaado ah in Imaaraadka Carabtu heshiis la soo saxeexdeen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu ku weheliyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, dalkana haddii maalgashi la samaynayo iyo haddii cid lala heshiinayo waxa ka wakiil ah oo shicibka metelaya waa Baarlamaanka Somaliland, wax aan Baarlamaanka la soo marinina sharci ma aha.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo saxaafadda la hadlay maalin kadib markii heshiiska la kala saxeexday.
Isagoo intaas ku daray, “Qodobka 53-aad ee distoorka farqaddiisa 3-aad wuxuu awood buuxda siinayaa inay Golaha Wakiilladu awood buuxda u leeyihiin haddii cid lala heshiinayo haddii dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgelyada iyo dhinaca maalgashigaba.

Waxaannu cod dheer ugu sheegaynaa dalka Imaaraadka Carabta in heshiiskaas qarsoodiga ah ee madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyaha KULMIYE soo saxeexeen aanu sinaba sharci u noqonayn oo aanay shacabka reer Somaliland aqbalayn oo ay dekedda Berbera tahay hantidii dalka, dawladda Imaaraadkana waxaannu ugu digaynaa in heshiiskaasi yahay heshiis qarsoodi ah oo aan sinaba uga soortogeli karin Jamhuuriyadda Somaliland, shicibkuna ka dhiidhiyi doonaan.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa khudbaddii uu dadweynaha u jeediyey maalintii xuska 18-ka May, waxa uu ku caddeeyey in heshiiska ay la saxeexdeen shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta sida u dhaqsaha badan loo horgayn doono Golaha Wakiillada.
“Heshiiskan waxaannu dhaqso u horgeyn doonnaa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, si uu u noqdo mid dhaqan-gal ah. Shirkaddani waxay sida ugu dhaqsaha badan u dhisi doontaa deked cusub oo casriya oo 400 oo mitir ah iyo Container Terminal (xarunta koontiinarrada). Sidoo kale, waxa dib-u-hagaajin iyo qalabayn lagu samayn doonaa dekeddeenna jirta oo u baahan dayactir badan.
Intaa waxa dheer (Free Zone) samaynta saylad ganacsi oo xor ah iyo dhismaha jidka isku xidha Berbera ilaa Wajaale oo hal-bawle u ah mashruucan. Heshiiskani wuxuu wax weyn ka beddeli doonaa nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Somaliland. Waxa kaloo uu dhiirri-gelin u noqon doonaa mashaariic kale oo muhiim ah iyo shirkado caalami ah oo dalka maalgashi ku sameeya,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Hase ahaatee, sida ay muujiyeen xogaha cusub ee Jamhuuriya helay, dawladda Jabuuti iyo xisbiga WADDANI ayaa doonaya inay iska kaashadaan sidii ay u qaadi lahaayeen dagaaal ujeeddadiisu tahay kasbashada aqlabiyadda mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, si ay cod aqlabiyad ah ugu diidaan ansixinta heshiiska xukuumaddu la gashay shirkadda DP World, kadibna heshiisku halkaas ku fashilmo.
Heshiiska dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo shirkadda DP World, waxa soo dhaweeyey dawladda Itoobiya oo doonaysa in dekedda Berbera marin u noqoto badeecadaha kala duwan ee ay u baahan tahay, balse, dalka Jabuuti, ayaan ku farxin heshiiskan, maadaama ay ka cabsi qabaan in dekedda Berbera suuqa ka saarto amma cidhiidhi geliso dekadaha dalkooda, iyadoo sidoo kalena xafiiltan iyo cadaawad u dhexayso shirkadda DP World iyo dawladda Jabuuti, kadib markii ay isku khilaafeen doorka ganacsadaha la yidhaa Cabdiraxmaan Boorre ku leeyahay heshiiska shirkaddaasi ku maalgelisay dekedaha Jabuuti, gaar ahaan dekedda Dooraale oo la kala saxeexday sannadkii 2006, waqtigaas oo ganacsade Boorre ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Dekeddaha ee dalka Jabuuti, xilkaas oo uu hayey intii u dhexaysay 2003 ilaa 2008.
Dawladda Jabuuti, ayaa dacwad caalami ah ku furtay shirkadda DP World iyo ganacsade Cabdiraxamaan Boorre, iyadoo ku eedaysay in sifo musuqmaasuq ku jiro shirkaddaas loo siiyey maalgashiga dekedda Dooraale ee dalkeeda, balse xukuumadda Madaxweyne Geelle, ayaa lagaga adkaaday dacwadaas oo ay dhegaysatay maxkamad ku taal magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxayna maxkamaddu laashay eedaymaha Jabuuti u jeedisay shirkadda DP World iyo ganacsade Cabdiraxmaan Boorre sannadkii 2015.
Sidaa darteed, dawladda Jabuuti kuma faraxsana in shirkadda DP World maalgashi ku samayso dekedda Berbera, isla markaana dhisto deked kale oo Somaliland yeelato, kuwaasoo ay ka faa’iidaysan doonaan dalalka aan badda lahayn ee ku yaal bariga Afrika, gaar ahaan Itoobiya oo waqtigan si weyn ugu xidhan dekeddaha dalka Jabuuti, waxayna xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ku hawlan tahay sidii loo fashilin lahaa heshiiska dhexmaray Somaliland iyo shirkadda DP World, iyadoo doonaysa inay dagaalkaas gacan-saar kala yeelato xisbiga mucaaridka ee WADDANI oo isagu horeba u caddeeyey mawqifkiisa uu ku diidan yahay heshiiska lagu casriyeynayo dekedda Berbera, kuwaasoo ku dedaalaya in mudanayaasha Golaha Wakiilladu diidaan ansixinta heshiiskaas marka u horraysay ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo u soo gudbiso.
xogasho Jamhuuriya.