Araweelo News Network
Uhuru KenyattaNairobi (ANN) Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Uhuru Kenyatta, ayaa shaaca ka qaaday in dawladdiisu dib u eegayso qorshe lagaga tashanayo inay ciidankooda kala baxaan waddanka deriska ah ee Soomaaliya iyo in kale.
Mr. Uhuru oo ergo ka tirsan Qarammada Midoobay kulan kula yeesha magaalada Nairobi maalintii Sabtida, waxa uu sheegay in qoondada kharashka ku baxa hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya aannu ku filnayn ciidammada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.
“Ka mid ahaanshaha dalalka ku jira hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya ciidankayaga ka tirsan Midowga Afrika kama helaan taageerada ay uga baahan yihiin dhinacyada ilaha iyo qalabyada, sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa Qarammada Midoobay inay doorkeeda labanlaabto,” ayaa yidhi Madaxweynaha Kenya.
Sidoo kale, warbixin ka soo baxday Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa lagu yidhi; “Kharash-dhimistii dhawaan lagu sameeyey taageerada EU ee AMISOM ayuu Madaxweyne Uhuru sheegay in doorka Kenya keliya uu yahay inay dib u tixgeliso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya iyo in kale.”
Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya waxa uu deedafeeyey eedaymo ciidanka dalkiisa ee jooga Soomaaliya loogu jeediyey ganacsiga sharci-darrada ah ee dhuxusha.
Kenya ciidan gaadhaya 3,664 askari oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM ayaa ka jooga Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka AMISOM, kuwaas oo badankoodu ku sugan gobollada Jubbooyinka oo ku dhow xuduudka labada dal wadaagaan.