Araweelo News Network

ciidamada dagaal1
Hargeysa(ANN)Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa galaalafay Deegaanka Bali-cad oo qiyaastii 70km dhinaca Koonfur Bari kaga beegan magaalada Buuhoodle, halkaas oo xarun u ahayd hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo ee Cali Kahliif Galaydh.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Siciid Cige u xaqiiyay in Ciidanka Qaranka Somaliland la wareegeen saaka waaberigii magaalada Bali-cad oo xarun u ahayd kooxda Galaydh, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid amaanka xadka Somaliland lagu sugayo.

Wasiirku ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhacay deegaanka oo kooxda Galaydh u ahayd saldhig, wuxuuna ka gaabsaday inuu faah-faahin dheeraad ah ka bixiyo hawlgalkaa.

Dhinaca Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Buuhoodle oo ay isaga iyo Cali Khaliif ku sugnaayeen Bali-cad, ayaa u sheegay Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Siciid Cige inay ka baxeen goobta oo ay nabad qabaan, balse ma sheegin halka ay ku sugan yihiin. laakiin warar kale ayaa sheegaya in Cali Khaliif iyo Garaad Abshir u carareen dhinaca xadka Ethiopia ee Kililka is maamulka Soomaalida Ethiopia.

Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanka Bariga Sanaag, ayaa todobadkii lasoo dhaafay kulan qarsoodi ah kula yeeshay Villa Somalia Madaxweynaha dawlada taagta daran ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay baahisay shebekadda wararka ee Araweelo News Network oo warar hoose ka heshay kulankaa.

Qorshaha kulanka ayaa ahaa sida ay shebakaddu baahisay sidii Kooxda Cali Khaliif oo taageero ka helay dawlada Xasan Sheekh u wiiqi lahaayeen jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, iyadoo arrimaha kulanaka lagaga wada hadlay iyo go’aamada laysla qaatay ay ka mid ahaayeen in la hor istaago diiwaagelinta Somaliland ka wado Sool iyo Sanaag, isla marakana aan laga aqbalin in Somaliland doorashooyin ka fuliso halkaa marka la gaadho xiliga doorashooyinka 2017, iyo in shir siyaasiyiinta Khaatumo iyo sanaag Bari ku yeeshaan Buuhoodle. sida lagu baahiyay shebekadda Araweelo News Networ oo soo xiganaysay xoogo wareedyo ay ka heshay kulankaa, waxay kooxda Galaydh iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh isla qaateen arrimo ay doonayaan inay ficil ahaan u sameeyaan oo ka dhan ah qaranimada jiritaanka iyo nabadgelyada Somaliland, kuwaas oo ay waqtigan ka abaabulayeen deegaanka Bali-cad oo ay Ciidanka Qaranka Somaliland kala wareegeen maanta, wuxuuna hawlgalka ciidanka qaranka Somaliland inay Galaydh iyo Garaad Abshir u cararaan dhinaca xadka Ethiopia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409