Araweelo News Network
Dadka Dhaqaalaha Dalka Gacanta Ku Haya Oo aan kasoo xaadirin madasha lagaga yaboohay qaadhaanka
image-6
Hargeysa(ANN)Munaasibad Dhaqaale loogu yaboohay Dugsiga Carruurta aan awoodin inay hadlaan (Hargeisa. Children Learining Cente), ayaa lagu qabtay xalay hoolka Casriga ah ee Green Plaza ee la mataanka ah Samar time oo ku yaal galbeedka magaalada Hargeysa.

image-4Khadra Cali Cigaaal oo aasaastay Dugsigaa, ayaa ugu horayn ka hadashay furitaanka munaasibadda la doonayay in dhaqaale loogu yabooho Carruurtaa, waxayna ka warantay sababta ku kaliftay inay hindisto dugsi sidan oo kale ah.

Khadra Ali Egal founder of Hargeisa Children Learning Center in Somaliland

Khadra Ali Egal founder of Hargeisa Children Learning Center in Somaliland

“Sababta aan u aasaasay Dugsigan, waxay ahayd inankayga Curad ayaa qaba Cudurka (Autisam), waxaan kasoo guuray dalka Britain. (Hargeisa Children Learing Center) waxaan bilaabay, 1 Oct 2015, waxaan ku bilawnay 5 Carruur ah, maantana waxa dhigta 16 Carruur ah, 20 Carruur ah, ayaa sugaya inay galaan aniga riyadaydii, way ii rumawday $ 35, 0000 ayaa aniga iyo dadkii aasaasay dugsigaa aanu gelinay, waxaana loo baahanyahay in caruurtaa oo inta baddan ay dhaleen dad danyar ah laga bixiyo oo la caawiyo, si dugsigu usii socdo oo mustaqbalka Carruurteena Cudurkan qaba ee aynu guryaha ku haysano u helaan goobo waxbarsho oo macalimiin loo tababaray ay helaan” sidaa waxa tidhi Khadra Cali Cigaal oo aasaastay Dugsiga, isla markaana ka sheekaysay waayihii iyo duruufihii ay lasoo martay.

Mid ka mid ah Hooyoyinka Carruurta xannuunada noocan oo kale qaba haysta, ayaa so weyn usoo dhowaysay furitaanka Dugsiga Carruurta xaaladaha gaarka ah la deriska ah eye aan awoodin inay hadlaan, waxayna u muhad celisay Khadra Cali Cigaaal oo aasaastay dugsigaa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Mr. Abiib, ayaa sheegay inay qayb cusub oo la xidhiidha Carruurta qabta xannuunkaa ay hadda kusoo kordhiyeen wasaaradda, islaa makaana, wuxuu madasha kaga dhawaaqay inay wasaarad ahaan qaadanayaan ugu yaraan 10 Arday.

Dr. Adna Aadan oo hadal kooban ka jeedisay munaasibadaa, ayaa ka warantay baahida loo qabo dugsigan oo kale, waxayna balanqaaday inay u balaminay Booyadda Biyaha. Sidoo kale Shukri Xariir oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta, waxayna sheegtay inay ka warhayso dhibaatada Caruurtaa qaba xannuunka noocaas ah ay kala kulmaan Bulshada, waxayna sheegtay inay wasaarad ahaan barnaamijyada ka baxa Idaacada Radio Hargeysa ku darayaan barnaamij ka hadaya dadka qaba xauunka Autisam.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Dr. Xuseen Cabdullaahi Bulxan’ oo si faah-faahsan uga had lay dhibaatada xannuunkan iyo kuwo kale oo bulshada ku baddan ku hayaan, kuwaas oo sida uu sheegay aan waxba lagala socon, isla markaaana loo baahanyahay in qaran ahaan laga tashado.

Dr. Bulxan, wuxuu ka sheekeeyay qiso dadka madasha fadhiyay dareekooda iyo shucuurtooda ruxday oo la xidhiidhay Hooyo Ilmo ay dashay oo qaba cudurkaa dalka kula soo noqotay sagaashanaadkii, taas oo markii ay ka yaabtay hab-dhaqankii Bulshada dib ugu celisay inankeedii qurbaha, iyadoo ka muraaradilaasan wixii ay kala kulantay bulshada.

Sidoo kale wax a munaasibadaa ka hadashay Agaasimaha Xafiiska Samfalka ee Madaxtooyadda Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye, waxayna balanqaaday inay qoysaska haysta Carruurta qaba xanuunkaa isla garab taagayaan wixii ay xafiis ahaan karayaan, isla markaana waxay madasha ka sheegtay in 10-ka Arday ee kale ay Hay’addaha Caawimooyinka ee ku xidhan la kaashanayaan sidii wax loogu qaban lahaa Caruurtaa.

Munaasibadaa dhaqaalaha loogu ururinayay Carruurta qabta (Autisam), waxa kale oo ka hadlay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Cali Shoobe oo soo dhoweeyay hindisaha dugsigaa.

Gebagebadii Lacag $ 25, 000. 00 ah, ayaa lagaga dhawaaqay madasha, oo aanay ka muuqan dadka dhaqaalaha dalka gacanta ku haya, sida ganacsatada waaweyn iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyadoo Ganacsade Cabdirisaaq Cumaani oo isagu aan kasoo qaybgelin munaasibada qaadhaanka lagu ururinayay oo lasoo xidhiidhay dadkii maamulay hawsha ayaa u sheegay inuu $ 5, 000, 00. Ugu deeqayo, sidoo kale Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa balanqaaday $ 5, 000. 00.

Wasiiradda Qorshaynta iyo xidhiidhka golayaasha, ayaa iyagu madasha ka baanqay in midkiiba bixinayo s 2,000 00. iyadoo dad bad an oo dhalinyaro ah oo ka qaybgalay munaasibadaa balanqaadeen inay usoo qorshaynayaan wixii itaalkooda ay kaga qaybqaadanayaan.
Abdixakiim Maxamed Sheekh (Cabdixakiim Jamhuuriya), ayaa u mahad celiyay dadkii ka qaybqaatay hawshaa, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay MIlgo Digital oo si balaadhan uga qayb qaadatay hawshaa iyo Summer-time oo fududeeyay Hoolka lagu soo bandhigay.

Gunaanadkii munaasibada, waxa la gudoonsiiyay abaalmarino 7qof oo hawshan door weyn kasoo qaatay.
Haddii aad doonay inaad wax ku darsato kala xidhiidh contact; Tel 00 252 2 572 699 ama Mobile 252 2 63 382 4535/ 00 252 2 65 979 5212, ama ugu dir Zaad 416668 E-Dahab 51466, ama kala xidhiidh wixii macluumaad dheeraad ah info@soldda.com booqo wwww.soldda.com

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409