Dukaankiisa Oo Camiran Ayuu Ka Dhaqaaqay Si Uu Dacwadda U Faafiyo Ilaa Uu Ku Guulaystay Hadafkiisii

Araweelo News Network.

 

Jeddah (ANN- Daacigii weynaa ee Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal oo ahaa Hoggaamiyaha Culimada Tabliiqiyiinta Qaarada Afrika, ayaa ku geeriyooday dalka Sacuudiga 31 December 2022, kaddib markii xaallad caafimaad loo geeyay.

Sheekh ismaaciil, ayaa si weyn loo sagootiyay maydkiisa, isagoo nasiib u yeeshay in malaayiin muslimiin ah ka qaybgalaan salaatu Jinaasada xaramka lagaga tukaday, isla markaana waxa loo gelbiyay maydkiisa xabaalaha Jantu Macallah ee  magaalada barakaysan ee Maka Al mukarama. 1 Jan 2023.

Daacigan, ayaa ahaa  mid u go’ay  dacwadda Illaahay iyo hannuunka dadka, wuxuuna in ka baddan lixdan sannadood kusoo jiray fidinta dacwadda, isagoo isaga talaabay qaaradaha aduuunka si uu dacwadda u fidiyo.

Dadka aqoonta u lahaa ayaa sheega in Sheekh Ismaaciil xilli ku siman konton sannadood ka hor ganacsigii uu lahaa ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Bdhatmaha Magaalada dhismaha xigga  Fooqa Faarax Joome  oo xilligaa uu ka furay dukaan qalabka baabuurta iibiya  subax keliya ka dhaqaaqay, iyadoo albaabadu u furan yihiin,  isagoo muddadaa wixii ka danbeeyay u go’ay dacwada Allah iyo inuu tunka u rito intii awooddiiisa ah sidii uu dacwadda u faafin lahaa.

Sida uu sheegay Sheekh Axmed Guuleed Allah haw nxariistee wuxuu ku dhashay Miyiga Duleedka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag qiyaastii 1943, isagoo markaa la geeyay Malcaamadii Al Falaax ee Magaalada Berbera, kaddibna Dugsiga uu halkaa ka galay ilaa Dugsiga sarre ee Sheekh, balse Sheekh Ismaaciil muu dhammaysan Dugisga Sarre ee Sheekh, sida uu sheegay Sheekh Axmed Guuleed oo ah Afhayeen u hadlay Jameecadda Tabliiqa oo loo igmaday inuu ka hadlo geerida Amiirka Jameecadda.

Sheekh Axmed Guuleed, wuxuu sheegay  in Sheekh Ismaaciil oo sannad uga hadhay waxbaarshadii Dugsiga Sarre ee Sheekh iskaga tegey, kaddibna dhinaca Magaalada Cadan u wareegay, halkaas oo waxbarashiisa uu sii watay, isagoo markii danbe u shqeeyay dawladda Britain ee Magaalada Cadan ka talinaysay, balse  uu iskaga tegey shaqadaa, isagoo Sheekh Ismaaciil dhinaca Dalka Sacuudiga tegey, xilli ku beegan dhawr iyo lixdankii, isagoo kula kulmay Sacuudiga Culmo Bakistaani ah, halkaas oo ay Tabliiqa ka bilaabeen xilli ku beegan 1968 -69, isagoo markii uu kusoo laabtay Somaliland dhawr iyo Lixdankii furtay dulaanka qalabka Baabuurta lagu iiboyo, kaddibna uu ku laabtay Sacuudiga, isagoo uga sii gudbay dalka Bakistaan sidaana ku bilaabay dacwadda.

Sheekh Axmed Guuleed, wuxuu sheegay in Sheekh Ismaaciil ku hadli jiray luqadaha Carabiga Ingiriisiga iyo Uurduuga, “wuxuu amiirka Geeska Afrika, wuxuuna ifka tegey 50, kuwaas oo ah 25 qof oo uu dhalay iyo 25 ay caruurtiisu dhaleen iyo saddex xaas. wuxuu ahaa  Sheekh Ismaaciil nin raxim ah oo ummada wax gashaday.'” ayuu yidhi, isagoo ka tacsiyeeyay geerida qoyskii, ehelkii, jameecadda Tabliiqa iyo ummada Islaamka ah, wuxuna Allah uga barayay inuu janna fardawsa ka waraabiyo.

Dhinaca kale, Culmida Somaliland, ayaa ka hadlay geerida Amiirkii Tabliiqa, Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal, waxaana ka mid ah Culimada aqoonta u lahaa eeka hadashay geeridiisa, Sheekh Maxamed Aadan Xiiray oo sheegay inuu ka mid ahaa kooxdii ugu horaysay ee dacwad la baxday Sheekh Ismaaciil xilli todobaatanadii ku beegan, (Muuqaalkan Ka Daawo).

Culimada kale ee ka hadashay geerida Sheekh Ismaaciil iyo aqoontii ay u lahaayeen, waxa ka mid ah Culmida Masjidka Cali Mataan ee Hargeysa, oo ka tacsiyeeyay Ummadda Islaamka, Bulshada Soomaalida, kuwa geeska Afrika, qoyskii iyo jameecadda Tabliiqa geerida ku timi Amiirkoodii Daacigii weynaa Sheekh Ismaaciil, waxayna ka sheekeeyeen sida uu ugu dhabar adaygay hirgelinta iyo ka midha dhalinta ujeeddadiisa dacwadda ee judiga baddan uu gulay cimrigiisa iyo shaqsiyadiisii, (Muuqaalkan ka Daawo).

 

Sheekh Ismaaciil, wuxuu ahaa aasaasaha xarunta ugu weyn Geeska Afrika ee sannad walba ay ku kulmaan kumanaan culimo ah oo qaaradaha aduunka ka kala yimi, taas oo ay suurtagal ka dhigaty nabadgelyada iyo deganaanshaha Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu ka aasaasay isla xaruntaa dhexdeeda Jaamacadda ugu weyn ee Diinta Islaamka lagu barto gobolka geeska Afrika, isagoo sidoo kale xarumo waaweyn ka sameeyay geyiga Soomaalida iyo gobolada kale ee ku yaal mandaqada.

Gebagebadii Sh. Ismaaciil, wuxuu ahaa Daaci door oo muuqda ku lahaa fidinta Diinta oo naftiisa iyo noloshisa u huray dacwadda., isagoo iskaga tegey aduunyada dhaldhalaakeeda, waxayna saaxiibada ku dhow sheegeen in xataa caloosha Tooray laga geliyay intii dacwadda waday, balse aannay taasi waxba ka bedelin inuu sii wado dacwadda ilaa uu ka geeriyooday oo uu nasiib u yeeshay in xaramka lagaga tukado, isla markaana lagu aaso magaalada Barakaysan ee Maka Al Mukarama, wuxuna tusaale u ahaa Bulshada Islaamka, Soomaalida iyu dadyowga Geeska Afrika.

Allah waxan uga baryaynaa inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siityo qoyskii ehelkii asxaabtii , Bulshada Soomaalida, qowmiyadaha kale ee gobolka iyo culimada uu hoggaaminayay ee Tabliiqiyiinta,. Aaamiin Aamiin Aamiin.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com