Araweelo News Network

Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa saddexdii murrashax ee u tartamayay doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee maanta loogu dhawaaqay Murrashaxiinta Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo loo doortay Madaxweynaha shanta sannadood ee soo socota iyo Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, ayaa ka hadlay natiijada doorashada.

Eng. Faysal Cali Waraabe,wuxuu hanbalyo u diray Madaxweynaha la doortay, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay in la kulmo oo danta qaranka laga hadlo oo meel looga soo wada jeesto.

Halkan ka Daawo Guddoomiye Faysal oo ka hadlay natiijada Doorashada Madaxtooyadda Somaliland.