Araweelo News Network

Hargeysa(ANN )- Madaxweynaha la doortay Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkiisii u horreeyey ee uu u jeediyo dadweynaha diirradda ku saaray midnimada iyo wadajirka ummadda iyo qorshayaashiisa u yaal mustaqbalka, iyadoo shacbigu dabaaldegyo waaweyn kusoo dhoweeyeen guusha markii labaad ee Xisbiga KULMIYE.

Madaxweyna la doortay Muuse Biixi oo shacabka la hadlay waxyar kadib markii Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijada doorashada Madaxtooyada oo uu ku guulaystay codad tiradoodu dhan tahay 305909 codbixintii shacabku bixiyeen 13-kii bishan November, taasi oo boqolay ahaana u dhiganta 55.19%, waxa uu bogaadin iyo hambalyo u kala diray hay’adaha kala duwan ee qaranka, shacabka reer Somaliland, xisbiyada qaranka iyo dalalka saaxiibka la ah Somaliland kaalintii ay ka qaateen hirgelinta doorashada, isagoo tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay doorashada dalka ka qabsoontay iyo dimuqraaddiyadda dalka ka hana hanaqaadday.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa guusha xisbiga KULMIYE kasoo hooyey doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay ku macneeyey guul ay Somaliland oo dhammi wada leedahay, isla markaana waxa uu meesha ka saaray inay jirtay colaad gaar ah oo axsaabtii doorashada ku tartantay u dhaxaysay, waxaannu yidhi, “Maanta xisbi gaar ahi ma guulaysanin saddexdii xisbiba way guulaysteen, Somaliland oo dhan baa guulaysatay, maantana ma nihin annaga iyo idinka’e waxa aynu nahay innaga oo Somaliland ah, qardoofooyinka bani’aadamku way yimaadaan, qoyskaa is khilaafa aabbo iyo wiil, hooyo iyo inanteeda iyo laba baayac-mushtar wada leh ayaa is khilaafa, xisbiyada danta qaran ka hadlayeyna waxa aan xaqiiqsanahay inay dhammaantood u tartamayeen Somaliland sidan ay tahay ka wanaagsanaata, waxa qudha ay wadeenna ahayd inuu nin waliba lahaa hawshaasaan hayaa oo taydaa lagu horumarayaa, walaaltinimo iyo dal-dhis uun baa lagu tartamayee xumaan iyo ummad la collaysiiyo midna maynaan gaadhin, maantana tii uun baynu haynaa.”

Madaxweyne Muuse waxa uu caddeeyey inuu muhiimad gaar ah siinayo sidii xil weyn la isaga saari lahaa turxaan-bixinta kala aragti duwanaanshaha axsaabta dhexdeeda taalla ee doorashadii dalka ka dhacday ka dhalatay, isaga oo cod dheer ku sheegay inuu gacan walaaltinimo u fidinayo cidkasta oo wax tirsanaysa, “Haddii xisbi wax diidanyahay walaaltinimadiisa waanu doonaynaa, Somaliland-na la’aantii hore u marimayso, haddii aynu kala jajabnana cadowgeenaa badanaya, walaaladeen kii wax tirsanayaba baaq nabadeed, gacan walaaltinimo iyo waxeena oo sidii aynu u dhammaysan jirnay aynu u dhammaysano ayaanu ugu baaqaynaa oo aannu ugu diyaar garoobaynaa, Somaliland-na maanta inta ay wadaleedahay ee ay heshiiska ku tahay ayaa ka badan waxa ay isku seegi karto,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biiixi Cabdi.

Waxa kaloo Madaxweynaha cusub sheegay inay Somaliland leedahay hal cadow oo kali ah oo u baahan in loo midoobo, isla markaana guusha uu gaadhay ay la leeyihiin murrashaxiintii kursiga kula loollantay, waxaannu yidhi, “Somaliland waxay leedahay cadow qudha oo dhammaanteen inala wada cadow ah, waxaana aynu hore umari karnaa marka aynu isu nimaadno ee aynu midowno, aniga oo maanta ummaddu i karaamaysay oo codkii ugu badnaa i siisayna maaha inaan kaligay guulaystaye waxa ila guulaystay murrashaxiintii WADDANI iyo UCID-ba, labadana waxaan ka codsanayaa si karaamo leh oo waddaninimo leh inaannu isugu nimaadno oo dalka wada maamulno, qaddarintooda iyo miisaankoodana la siiyo.”

Dhinaca kale, guud ahaan shacabka reer Somaliland, ayaa dabbaaldegyo waawayn iyo farxad ballaadhan ku soo dhaweeyey shaacinta Madaxweynaha cusub eek u guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee ay codbixinteeda dhiibteen toddobaadkii hore.

Kadib markii Guddiga Doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijada doorashada Madaxtooyada ee ay ku guulaysteen murrashaxiintii xisbiga KULMIYE ee jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), taas oo ahayd mid si toos ah loogala socday warbaahinta kala duwan sida telefishannada, idaacadda Radio Hargeysa iyo baraha bulshada, ayaa markiiba suuqyada iyo dariiqyada magaalooyinka kala duwan ee dalka waxa is qabsaday isu-soo-baxyo ay kumanaan dadweyne ahi ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka iyo guusha ballaadhan ee xisbiga KULMIYE ku hantiyey quluubta shacabka si uu mar labaad ugu maamulo talada waddanka.

Dabbaaldegyada ugu waawayn ee shacabku ku qaabileen Madaxwynaha cusub, ahna Madaxweynihii shanaad ee Jamhuuriyadda Somaliland yeelato tan iyo intii ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxa si wayn looga dareemay dhammaan magaalooyinka waawayn, gaar ahaan caasimadaha gobollada kala duwan ee dalka, kuwaas oo dadweynuhu si nabadgalyo ah u muujiyeen siday ugu faraxsan yihiin Madaxweynenimada Mudane Muuse Biixi Cabdi.