Araweelo News Network

Andrew Allen
Deputy UK ambassador to Somalia and Somaliland

Hargeysa (ANN)- Diblomaasi sare oo ka tirsan dawladda Ingiriiska, ayaa shaaciyey in dawladiisu ka walaacsan tahay waadixnimada go’aannada waaweyn ee ay qaadato xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, kana mid yahay heshiiska ay la saxeexatay dawladda Imaaraadka Carabta ee khuseeya saldhigga millatari ee laga samayno madaarka Berbera.

Andrew Allen
Deputy UK ambassador to Somalia and Somaliland


Ku-xigeenka safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Andrew Allen oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa oo uu booqasho gaaban ku yimi, waxa uu ku dooday in qayb yar oo ka mid ah masuuliyiinta xilalka haya ee xukuumadda Somaliland ay isku koobeen xogta heshiiska saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabta, kaasoo uu xusay inuu halis ku yahay xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka deriska la ah.
“Dad kooban oo ka mid ah Somaliland ayaa masuul ka ah heshiiska lala saxeexday Dawladda Imaaraadka Carabta. Dadweynaha reer Somaliland waxa ay u baahan yihiin inay helaan macluumaad iyo xog badan oo la xidhiidha saldhigga millatari. Maxaa faa’iido ugu jira? Muxuu halis u leeyahay?” ayuu yidhi Ku-xigeenka Safiirka Ingiriisku.
Waxa kaloo uu sheegay in mid ka mid ah halista ku jirta heshiiska saldhigga millatari ay tahay in Somaliland bartilmaameed u noqon karto kooxaha xag-jirka ah ee ka hawlgala Gobolka Geeska Afrika, sidoo kalena uu saamayn ku yeelan karo xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka Mandaqadda ku yaal oo ay ku jiraan Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya-ba.
Safiir-ku-xigeenka, ayaa sidoo kale xusay in qaar badan oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee Somaliland ay haystaan baasaboorka dhalasho ee Ingiriiska, sidaa darteedna uu qabanayo shuruucda laaluushka uga yaal Boqortooyada UK, kaasoo lagu maxkamadayn karo madaxda Somaliland haddii lagu helo inay si sharci-darro ah lacago u qaateen.
Dhinaca kale, ninkan diblomaasiga ah, ayaa sheegay in aanay Somaliland ka qaybgeli doonin shir arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo oo ka qabsoomaya dalka Ingiriiska bisha May ee sannadkan 2017, isagoo xusay in sababta looga reebay tahay dib-u-dhacyada badan ee ku yimmi doorashooyinka Somaliland.
“Haddii doorashooyinka lagu qaban lahaa waqtiga ay hore ugu muddaysnaayeen ee bishan March, waxa ay noqon lahayd fursad xukuumadda cusub ee la dooran lahaa ay kaga qaybgasho shirka ka dhacaya Ingiriiska, iyadoo ballantuna sidaas ahayd,” ayuu yidhi Ku-xigeenka Safiirka Ingiriisku.
Waxaannu intaas ku daray; “Laakiin, marar badan ayaa dib loo dhigay doorashooyinka, haddana ma qabsoomayaan ilaa bisha November (2017), sidaa darteed, xukuumadan hadda xilka haysa kuma casuumi karno shirkaas, waxaanan doonaynay in aannu la shaqayno xukuumadda cusub ee la dooran lahaa haddii doorashooyinku qabsoomi lahaayeen, sababtoo ah shirku waxa uu ballanqaadayaa gargaarka afarta sanno ee soo socda.”
Doorashada Madaxtooyada Somaliland, ayaa u muddaysnayd inay qabsoonto 28 March 2017, balse duruufaha abaaraha qalafsan ee dalka ka taagan ayaa sababay in dib loo dhigo, iyadoo xukuumadda Somaliland ay hore u sheegtay in dadka isku diwaangeliyey doorashooyinku ay ka hayaameen degaamadoodii, taasina ay keentay in aanay doorasho qabsoomi karin.
Safiir-ku-xigeenka Ingiriiska, ayaa iftiimiyey inuu fahamsan yahay dhibaatooyinka abaaruhu ku yeesheen hannaanka doorashooyinka, balse, waxa uu tilmaamay in muddo-kordhinta u dambaysay ee la sameeyey ay qayb ka tahay dib-u-dhacyo badan oo hore ugu yimmi doorashooyinka Somaliland, taasoo ay ku jiraan Golaha Wakiillada oo doorashadooda dib loo dhigay ilaa bisha November ee sannadka 2019.