Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dood ka yeeshay adeegyada caafimaadka dadweynaha ee dalka – cusbitaallada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay – oo noqday ganacsi.
Fadhi Golaha Guurtidu yeeshay oo lagaga hadlay xaaladda caafimaadka dalka, ayaa xildhibaannadu ka dhiibteen doodo ay falanqeeyeen adeegyada caafimaadka ee ay bixiyaan cusbitaallada dawladdu leedahay oo qaarkood ay ka dayriyeen, isla markaana ka bixiyeen talooyin lagu hagaajin karo iyo weliga goobaha caafimaadka gaarka loo leeyahay oo iyagana mudanayaashu walaac weyn ka miijiyeen lacagaha ay ka qaadaan dadka.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg, ayaa ka hadlay muhiimadda adeegga caafimaadka dadka iyo sida ay waajibka u tahay in xil weyn la iskaga saaro ilaalintiisa, waxaannu sheegay in cusbitaallada dawladda, gaar ahaan Cusbitaalka Guud ee Hargeysa wax badan laga qabtay intii xukuumadda KULMIYE xilka haysay, balse waxa uu soo bandhigay adeegyo weli ay ka maqan tahay dawladnimadu.
“Cusbitaallada dawladda, gaar ahaan ka Hargeysa qalab iyo mashiinno fara badan waa la keenay, dhismayaal qurux badana waa laga hirgeliyey, laakiin weli meelo ayuu ka yahay sidii aynu ahayn maalintii aynu soo galnay waddanka, waxaanan tilmaamayaa meelahaas si loo toosiyo, tusaale ahaan qof baa shil ku soo dhacayaa, kadibna waxa la keenayaa cusbitaal oo waxa la dhigayaa waadhka gargaarka degdegga, markaas ayuu dhakhtarkii joogay u qorayaa inaad soo iibsato irbaddii lagu talo lahaa dhaawacaa, cudbigii lagu dhayi lahaa iyo irbaddii dawada ee lagu mudi lahaa. Qofkii dhaawaca ahaa ee la keenay cusbitaalkii dawladda ayaa la iswaydiinayaa cid lacag haysa si loogu soo iibiyo wixii lagu badbaadin lahaa, weliba dawada la doonayaana waxay dhex taal farsamiga cusbitaalka; hadda waxa qofkaasi u dhimanayaa waa labaatan ama soddon kun oo shillin. Aniga ayaa markii aan arkay in aan waxba la hayn orday oo u soo iibiyey rabadhkii gacmaha la galinayey (goolafis), irbaddii lagu tolayey, cudbigii iyo irbaddiiba,” ayuu yidhi xildhibaan Dheeg.
Waxa kaloo uu farriin u diray xukuumadda iyo Wasiirka Caafimaadka, “Markaa waxaan leeyahay waxaas yaryar ee lacagta badan ahayn waa in qofka la keeno gargaarka degdegga ah ee cusbitaalka waa inuu gartaa in cusbitaalkii dawladdiisa la keenay oo waxyaabaha yaryar ee caynkaas ah loo qabtaa oo uu helaa. Waxaan leeyahay adeegga noocaas ah ha laga koro, waxaanan nasteexadaa u gudbinayaa Wasiirka Caafimaadka.”
Sidoo kale, Md. Axmed Daahir Jirde, ayaa isaguna sheegay in cusbitaallada caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ay noqdeen goobo ganacsi oo dadka dhibaato badan ka soo gaadho, waxaannu yidhi; “Ummadda Somaliland maanta dhibta ugu weyn waxay ka haystaa waa caafimaadka, waayo caafimaadkii wuxuu noqday ganacsi. Qofka bani’aadamka ah iminka haddaad cusbitaallada qaarkood tagto waad yaabaysaa, baadhista dhiigga oo keliya ayaa lagu odhanayaa waa $100, ummaddii oo sicir-barar iyo abaari hayso haddii weliba caafimaad-xumana ugu darsanto waa dhibaato, markaa waxaan soo jeedinayaa dadka ha loo naxo, cusbitaalladan gaarka loo leeyahayna ee dadkii ka dhigtay ganacsiga xukuumaddu dib ha u eegto, iyaguna dadka dib ha u eegaan.
Waxaad arkaysaa goobaha caafimaadka oo baabuurtii garaacayaan hoonka iyadoo dadkii lagu qalayo, goobaha caafimaadku waxay ahaan jireen dhul la adkeeyey.”
Xildhibaan Jirde waxa uu soo jeediyey in la kala xadeeyo goobaha caafimaadka dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, loona yeedhay Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka, waxaannu yidhi, “Waxaan soo jeedinayaa Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ha loo yeedho oo ha la hirgeliyo shuruucdii kala xadaynaysay caafimaadka dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo la-dagaallanka dawooyinka dhacay.”
Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah mudanayaasha ka qaybgalay dooddaas, ayaa ammaanay waxqabadka dhanka caafimaadka intii uu xilka hayey Madaxweyne Siilaanyo, waxaannu soo jeediyey in loo yeedho Wasiirka Caafimaadka, “Caafimaadka si wanaagsan baa wax looga qabtay, intii uu yimi Madaxweynaha Axmed Maxamed Siilaanyo si aad ah baa wax looga qabtay cusbitaalka guud oo waa lagu tabcay oo sharaf baa loo yeelay, markii hore habsaan buu ahaa, inta u dhimanaya wax way dhiman yihiin inta la noolyahaye waa la gaadhi, wasiir wanaagsanna waa loo dhiibay hadda. Waxaan leeyahay idin canaananmayno kordhiya mooyee, waxaannu jecelnahay in aynu is aragno wasiirka oo goluhu wuu kuu yeedhi,” ayuu yidhi Xaaji Cabdi-waraabe.
“Dhibaatooyinka u waaweyn ee hadda dadkeenna marka loo diro caafimaad dibadeed waxay noqotaa oo lagu yidhaa waxaad ku sumowday dawo. Arrintu waxa weeye tayada dawada, waayo waxyaabo aan dawooyin ahayn ayaa la inoo macmalaa oo la innaga iibiyaa. Midda kale sidii dukaamadii lagu miisayey sonkorta iyo bariiska ayey noqdeen farmasiiyadii, markaasuu nin waliba ilmo uu dhalay ama mid uu adeer u yahay odhanayaa iibi.” Sidaana waxa yidhi mudane kale oo ka tirsan Guurtida oo ka dayriyey dawooyinka lagu iibiyo dalka Somaliland gudihiisa.