Araweelo News Network.

.

Mekelle (ANN)-Dr. Debretsion Gebremichael oo ahaa Hoggaamiyaha Madaxweynaha ka ahaa maamulka gobolka Tigray, isla markaana hormood u ahaa dagaalka dhuumaalaysiga ee Jabhada TPLF, muddada siddeeda bilood ah kula jireen Ciidamadda Dawladda Federaalka iyo kuwa dalka Eriteria oo ay taageeyaan Malayshiyada Amaxaarada,  ayaa shalay soo gaadhay magaalada Mekelle.

Madaxweynihii hore ee gobolka Tigray,  Dr. Debretsion Gebremichael, ayaa kasoo muuqday shaashadaha maalmo kadib markii ay ciidamada Federaalku sheegeen in ay ka baxeen magaalada iyo inta badan gobolka, wallow ay Jabhada TPLF, sheegeen in ay xoog ku qabsadeen gobolka, isla markaana ay Jimcihii soo bandhigeen kumanaan maxaabiis Ciidamadda dawladda Federaalka oo la mariyay shaaryada Mekelle.

 

Maxaa Sababay Guusha TPLF Mar Kale Soddon Sano Kaddib Hantiyeen?

TPLF iyo jabhada wax iska caabinta ee Tigray Defense Forces (TDF) ayaa dib ugu laabtay caasimada gobolka Tigreega ee Ethiopia ee Mekelle, waxayna sheegeen in ay dagaalka ay kula jireen ciidamada Federalka oo ay taageerayaan kuwa Eriteria iyo Malayshiyada Amxaarada ka safeeyeen gobolka.

 

Dr. Debretsion Gebremichael oo ah guddoomiyaha kooxda TPLF,  wuxuu ahaa madaxwaynaha dawlad deegaanka Tigreega, isagoo hoggaamiye ka ahaa xisbigii TPLF oo qayb ka ahaa EPRDF oo ahaa xisbiga muddo soddon sannood ah ka talinayay dalka, kaddib markii ay TPLF, oo dagaal jabhadayn ah xukunka kaga tureen taliskii Millateriga ahaa ee Ethiopia, Mingiste 1991.

Hoggaamiyayaasha TPLF, ayaa u cararay dhanka Buuraha, iyagoo ka ka baxay magaalo madaxda gobolka waxyar uun ka hor inta aanay ciidammada federaalka iyo kuwa Eriteria la wareegin dabayaaqadii November 2020.

Khudbad ay baahisay Tigray Media House, ayuu Debretsion ku sheegay inuu ka adkaaday “cadowga”. Wuxuu sheegay in dagaalka aannu wali dhamaan.

Muuqaal dhex wareegayay baraha bulshada, Debretsion ayaa lagu arkay isagoo xidhan astaanta halgamayaasha TPLF oo u muuqday inuu caatoobay. Ugu yaraan laba hoggaamiye oo kale oo sare oo ka tirsan kooxda TPLF ayaa sidoo kale la arkayay iyagoo la socda Debretsion, kuwaas oo midkood yahay Genaraal Tsadkan Gebretensae oo mar ahaa Taliyaha Ciidanka Ethiopia, xilligii Meles Zenawei.

Isniinta lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay ciidamada qaranka Ethiopia,  iskaaga baxeen magaalada Mekelle iyo aagaga kale ee gobolka, kadib dagaal culus oo dhexmaray labada dhinac. Dawladdu waxay durbadiiba ku dhawaaqday “xabbad-joojin bani’aadamnimo” oo hal dhinac ah, laakiin kooxda TPLF, ayaa dhankeeda sheegtay in ay baacsadeen.

Xilligan Jabhada gaarka ah ee la sameeyay dhawr bilood ka hor oo lagu magcaabo ciidamada difaaca ee Tigreega ayaa hada maamula inta badan gobolka waxaana ciidamada Eritrea lagu soo waramayaa inay ka baxeen magaalooyinka waaweyn.

Dhawaaqa Dawladda Federaalka Ethiopia Ee Xabad Joojinta Iyo Dagaalyahanka Tigray Oo Tax-taxaashinaya Mekelle

Raiisel wasaare kuxigeenka Ethiopia, ahna wasiirka arrimaha dibadda, Demeke Mekonnen ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho kooxda TPLF, iyadoo dhawr bilood ka hor ay xukuumaddiisu ku dhawaaqday inay TPLF, tahay “urur argagixiso”

Hase yeeshee Isgaarsiinta iyo laydhka ayaa ka go’an tan iyo Isniintii gobolka, taas oo sababtay in macluumaadka ka laga helayaa yahay mid aad xadidan.

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com