Boorama (ANN)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa is weydaarsaday weedho kulul oo weerrar iyo is-difaacis ah, kadib markii ay ku kulmeen munaasibad ay ka wada qaybgaleen.

Labada masuul oo lagu casuumay munaasibad Qalin-jabin ah oo ku qabsoontay magaalada Boorama, waxa hadal uu ka jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ku eedeeyay xukuumadda madaxweyne Biixi ku inay sharcigii dalka u yaallay ee kala hagayay hay’addaha dawladda ka tallaabsatay, wuxuuna ku hanjabay inay mucaarad ahaan ku baaqayaan shir qaran oo sida uu sheegay lagaga tashanayo aayaha dalka, haddii xukuumaddu u hoggaansami weydo dedaallada waan-waanta ah ee ay ku jiraan Guddida Dhexdhexaadinta ugu kala ergaynay labada Xisbi ee mucaaradka iyo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal, wuxuu sheegay in sharci oo dhan layska laabay oo aannay Hay’addaha dalku ahayn kuwo sharci ku fadhiya, wuxuu sheegay in aan gobol iyo koox waxba sixi karin ee qaran ahaan iyo ummaad ahaan wax lagu sixi karo, isla markaana wuxuu xusay in aan loo baahnayn qori, “Guddida uu ku jiro Sheekh Cabdullaahi Sh. Cali Jawhar ku jiro ama xal ayay keeni, ama waxaynu samayn shirkii labaad ee Boorama ee 1993, mid la mid ah oo tallo danbe ayaynu isugu iman.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal.


Dhinaca kale, waxa weedhaha Eng. Faysal ka bixiyay jawaab Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo weliba Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdillaahi Bade, waxaana hadalka ku horreeyay Wasiirka Caafimaadka, Cumar Bede oo sheegay in Eng. Faysal yahay dadkii dalka soo dhisay, isla markaana waxa ka hadlinayaa ay tahay lexejeclo, balse waxa uu sheegay in aannu qabin in halkii laga yimi 26 sanandood dib loogu noqdo ee la sugo cida hawsha ku jirta.
Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, ayaa dhankiisa, isagoo daba socda hadalka Eng. Faysal, wuxuu sheegay in Eng. Faysal uu yahay dadkii tacabka badan geliyay dalka ee kasoo qaybqaatay dib-udhiskiisa iyo nabadayntiisa, isla markaana wuxuu xusay in waxa ka hadlinayaa ay yihiin lexejeclo uu ka qabo dalka, isagoo yidhi, “waxa ka hadlinayaa waa lexejeclo, waayo tacab baddan ayuu dalka geliyay, balse waxaan leeyahay micirifoonka badan inaga daa oo haddii wax naga qaldan yihiin hoos waxnoogu sheeg, annaguna bini’aadam ayaan nahay oo ciddii talada haysa inay wax ka leexdaan iyo inay wax ka khaldamaan waxay dhacaysaa.” ayuu yidhi, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici.