Araweelo News Network.

 

Djibouti (ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo  markii shanaad sheegay inuu ku guulaystay doorashadii horaantii April 2021.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ee Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somalia  ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Djibouti horumar uu sheegay inuu ka muuqdo dalkaa oo ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Geelle, isaga oo u rajeeyay in ay sii ambo-qaadi doono dadaalladaas.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo diblomaasiyiinta ka soo qeyb galay xafladda, kuwaas oo ay ka wada hadleen danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Somalia iyo dalalkaa, balse qoraalka laguma xusin madaxda uu la kulamay ra’iisal wasaare Rooble.

Xubnaha Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Djibouti, waxaa ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Maaliyadda  Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare  Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga  Maxamed Cali Xagaa iyo Xubno kale oo ka socda Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Araweelo News Network

info@araweelonews.com