Araweelo News Network.

Israel Waxa Bandaw Lagu Soo Roggay Magaalooyinka Israeliyiinta Carabta Ah Iyo Yuhuudu Ugu Badan Yihiin.

> Wasiirka gaashaandhigga Israel Benny Gantz Oo Calaacal Ka Kuujiyay waxa ka socda

#Qaza(ANN)-Duqaynta ayaa weli ku socota Qaza, iyadoo Ciidamadda Cirka Israel oo qayb ka ah weerrarka ay ku biireen ciidamadda dhulka, sida ay sheegeen Millateriga Israel.

maanta, ayaa la filayay in ay guddaha u galaan ugu yaraan tiro gadhaysa ugu yaraan 3,000 , guddaha Qaza, balse walaac weyn oo ay ka bixiyeen tallaabadaa saraakiisha khibrada dagaalka ee Israel, ayaa bedeshay qorshaaha, waxayna sii wadaan dumqaymaha maalintii shannaad galay ee Qaza.

 

Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay kor u kacday, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in dhimashadu ay kor u dhaaftay 103 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 27 carruur ah iyo 11 haween ah, iyadoo 530 qofna ay ku dhaawacmeen duqaymaah maalintii lixaad socda.

Dhinaca Israel Todobo qof ayaa lagu dilay. Kuwaas waxaa ka mid ahaa askari uu ku dhintey gantaal lidka taangiga iyo wiil yar oo 6 jir oo ku dhintay guri gantaal ku habsaday guddaha Israel.

 

Hase yeeshee Israel ayaa waajahday dariiq cabsi weyn guddaha ka abuuray, isla marakana dhaliyay walaac laga qabo in dudeheeda dagaal sokeeye ka dilaaco, Wasiirka gaashaandhiga Israel ayaa ka naxay rabshadaha ka socda magaalooyinka Israel

Wasiirka gaashaandhigga Israel Benny Gantz ayaa yidhi, “rabshadaha naxdinta leh” ee lagu arkay magaalooyin badan oo Israel ka tirsan, wuxuu sheegay inay tahay mid khatar ah, sida ay sheegtay Times of Israel.

Nin Carab-Israa’iil ah, oo ay garaaceen koox ka mid ah Yuhuuda midigta-fog ee Israel fiidnimadii,” ayuu yidhi Cisbitaalka Ichilov ee Tel Aviv. Sawirada Ninkaa oo la garaacayo ayaa waxaa baahiyay warbaahin Israel leedahay.

Magaalada Acre ee woqooyiga ayaa Arbacadii, nin Yuhuudi ah oo darawal ka ahaa ayaa la sheegay in ay garaaceen dadka carabta reer Israel ah ee degan. Xaafada Tel Aviv ee Bat Yam, dhalinyaro Yuhuud ah ayaa lagu soo waramayaa inay weerareen dukaamo ayna garaaceen nin Carab ah oo reer Isarel ah, warbaahinta Israel ayaa ku warantay. Nin Carab ah ayaa sidoo kale koox hubaysan ay ku garaaceen magaalada Haifa.

“Fiidnimadan, in ka badan sidii hore, kala qaybsanaanta gudaha waa waxa na hanjabaya,” ayuu yidhi Gantz.

“Waa inaanan ku guuleysan dagaalka ka socda Gaza oo aan ku guuldareysanno dagaalka ka socda guriga. Sawirada adag ee laga soo qaaday magaalooyinka iyo jidadka caawa waa reer Israel oo midba midka kale jeexjeexaayo. Rabshadaha naxdinta leh ee ka socda Bat Yam, Acre, Lod iyo magaalooyin kale ayaa caloosheenna jebinaya oo jebinaya quluubteenna dhammaanteen, “ayuu raaciyay.

Xaalad deg deg ah ayaa looga dhawaaqay magaalada isku dhafka ah ee Yuhuudda iyo Carabta ee Lod, halkaas oo dhismaha ay ku shiraan golaha Yuhuudda ama jameecada cibaadada diinta iyo barashada (sunagog)  iyo hanti kale oo Yuhuud ah dab la qabadsiiyay oo la toogtay qof Carab ah oo deggenaa halkaa.

Xaaladdan ayaa Israel si weyn wax uga bedeshay guddaha, waxayna qaramada Midoobay ka codsatay in la canbaareero gantaalaha Xamaas ee sida weyn u gilgilay Israel.

Dhinaca kale gollaha amaanka ayaa ku baaqay kulan deg deg ah oo xaaladda Israel iyo Falastiin ah,  ayaa baaqday Jimcihii kaas oo la filayay in ay qaraar kasoo saaraan, waxa dhanka kale jira baaqyo ka imanaya Qarmada Midoobay, Hoggaamiyayasha Maraykanka, Faransiiska, Britain, Germeny, Rashia iyo dalal kale oo ku baaqaya in la joojiyo waxa ka socda Qaza, waxayne dhawaaqayadu u muuqdaan kuwo aannay Israel dheg jalaq u siin, iyadoo goor sii horaysay ra’iisal wasaaraha Israel sheegay in ay dhufaysyada ugu gelayaan wuxuu ugu yeedhay koox argagixiso ah oo khatar ku ah muwaadiniintooda.

 

Araweelo News Network

info@araweelonews.com