Araweelo News Network

Washington(ANN)-Maamulka Madaxweyne Joe Biden, ayaa loogu baaqay inuu gebi ahaanba joojiyo wada hadalka Nukliyeerka ee dalka Iran.

Koox ka kooban 43 Senator oo xisbiga Jamhuuriga ah, ayaa sidaa ku sheegay warqad ay maalintii Arbacadii u direen Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Mr. Blinken.

Qoraalka ayay kaga codsadeen xoghayaha arrimaha dibadda inuu joojiyo wadahadalada nukliyeerka ee dhinacyada badan leh.

Kooxda ka tirsan xisbiga Jamhuuriga waxay Madaxweyne Joe Biden ku booriyeen inuu joojiyo wadahadalada uu kula jiro Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, isla markaana u diido Joe Biden in cunaqabataynta laga qaado Iran, iyagoo arrintaa sabab uga dhigay xidhiidhka ay sheegeen in Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran la leeyihiin Xamaas.

Senator Marco Rubio ayaa hogaaminayay kooxda warqada qoray, waxayna ku yidhaahdeen qoraalka loo diray Mr. Blinken.

“Labadii maalmood ee la soo dhaafay, argagixisada Falastiiniyiinta ee Gaza, oo ay maalgeliso Iran, ayaa gantaallo is daba joog ah ku qaaday Israel,” ayaa lagu yidhi warqadda.

“Waxay bartilmaameedsanayaan dadka shacabka ah ee reer Israel iyo magaalooyinka, oo ay ku jirto caasimada Israel ee Jerusalem. Tani waa wax laga naxo maadaama xubno ka tirsan maamulkaaga ay hada ku sugan yihiin Vienna oo ay gorgortan la galayaan Iran, oo ah dowlada aduunka hoggaamisa ee taageerta argagixisada.

Sidoo kale, hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka Wakiillada ee xisbiga Dimuqraadiga oo laga soo doorto Maryland, Steny Hoyer (D-MD) ayaa soo saaray bayaan ka dib weeraradii gantaalada ee Xamaas.

“Dhacdooyinkii maalmihii la soo dhaafay waxay muujiyeen, mar kale, halista Israel maalin walba soo food saarta iyo sababta nabaddu ay aad ugu baahan tahay,” ayuu ku qoray bayaankiisa.

“Ma jiro daandaansi ka socda Qudus oo qiil ka dhigaya in gantaallo lagu soo rido dad rayid ah, ummadna (Maraykanka), lagama filan karo inay fadhiid la’aan fadhiisato inta gantaalada lagu ridayo xuduudaheeda oo shacabkeeda la bartilmaameedsanayo. Israel waxay xaq u leedahay inay isdifaacdo oo ay qaado tallaabada lagama maarmaanka u ah joojinta weerarada ka imanaya Qaza. ” ayuu yidhi.

 

Araweelo News Network

info@araweelonews.com