Wasirika Maaliyadda Federaalka Axmed Shidde oo ka Halday Masiibada Suuqa Waaheen

Wefdiga uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda dawladda Federaalka ee Ethiopia oo dhex lugaynaya suuqa shuf beelay ee Waaheen badhtamaha magaalada hargeysa, 2 April 2022, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Dawladda Federaalka ee Ethiopia iyo dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga, ayaa gurmadkii ugu horeeyay ee soo gaadha Somaliland noqday, kaddib markii suuqa ugu weyn ganacsiga ee Waaheen dab qabsaday.

 Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka ee Ethiopia Axmed Shide iyo wefdi uu hpggaaminayo, ayaa soo gaadhay Magaaladda Hargeysa maanta, iyadoo xalay markii masiibada suuqa waaheen bilaabantay gurnad gaadiid dab-damis ah laga soo diray Kililka Shanaad ee deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Wasirika maaliyadda Axmed Shidde iyo wefdigiisa, ayaa markii ay soo gaadheen Hargeysa, waxay booqdeen suuqa gubtay oo gebi ahaanba noqday gelgelin madaw.

Wefdiga oo ka soo ambo baxay Magaalo madaxda Ethiopia ee Addis Abababa, waxa ujeedada booqashadoodu la xidhiidhay sidii ay  xog’ogaal u noqon lahaayeen mashaqadii ka dhacday ee suuqa Wayn ee Hargeysa oo uu xalay dab qabsaday.

Wasiirka Maaliyadda dawladda Federaalka ee Ethiopia iyo wefdigiisa, waxa ay markii ay kasoo degeen garoonaka diyaaradaha ee Egal. International Airport korm Hargeysa.

Ethiopia, ayaa markii mashaqada dabku kacay habeenkii Sabtida, waxay durbadiiba soo dirtay gaadiidka dab-damiska, iyadoo ay ka qayb galeen gurmad uu hor kacayay Hogaanka Nabad galyadda deegaanka Soomaalida ee xaruntiisu tahay Jigjiga.

Dhinaca kale, dabka ayaa bilaabmay xalay fiidkii abaara sideedii, kaas oo gelinkii danbe ee shalay soo gaadhay, iyadoo gurmadka dabkaa door weyn ka qaateen Dab-damisyo ka yimi deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Magaalada Jig-jiga.

Wasirika Maaliyadda oo ka hadlaya waxayaabaha ay ku arkeen indhahooda ee Suuqa waaheen, waxaa uu sheegay in dawlad ahaan ay qayb ka qaadanayaan dhibaatada khasaaraha ka dhashay dabkaa.

Halkan ka Daawo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia iyo wefdigiisa oo ka hadlaya wixii ay arkeen.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com