#Araweelo_News_Network.

Mombasa Kenya (ANN)- Dalka Ethiopia ayaa ku hawlan sahaminta suurtagalnimada innay dekedda Lamu ee dalka Kenya kala soo degto waxyaabaha loo addeegsado bacrimiska dalagga, taas oo qayb ka ah dadaalka ay ku doonayso in ay ku ballaadhiso dekeddaha ay wax kala soo degayso ee ka baxsan Dalka Djibouti, oo inta baddan Ethiopia kalsoo degto shixnadaheeda, balse qalalaasaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee dagaalka Xuutiyiinta iyo xullufadda Maraykanka ayaa saamayn ku yeeshay Baddeecaddaha Ethiopia uga soo degayay Dekadda Djibouti.

Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay BBC, waxayna Masuuliyiinta dawladda Ethiopia kala xaajoonayaa Kenya isticmaalka  dekeddaha ku yaal dalkaa.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Inkastoo fikradda istcimaalka Ethiopia ee dekadda Lamu ay tahay fikrad waa hore ah haddana illaa hadda la ma hirgelin, wallow aan warbixintu xusin in deegaanka Lamu ay sannadihii lasoo dhaafay ka dhaceen weeraro ay kooxda Al- Shabaab ka fulisay, kuwaas oo khasaare dhaliyay.

Laakii. Wafdi ka socda Ethiopia ayaa kormeer shaqo ku tagay dekaddaha Lamu iyo Mombasa, waxaana ay rejo ka qabaan in ay heshiis la galaan dawladda Kenya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Ethiopia Denge Boru ayaa yidhi: “Weftigu waxay soo booqdeen xaaladda dekedda iyo waddooyinka ilaa Mooyaale, si ay u eegaan in ay ku habboon tahay hawlgalka iyo in kale”.

Si loo xaqiijiyo hawlgal aan kala go ‘lahayn, waraaqo iyo heshiisyo kala duwan oo u dhexeeya labada waddan ayaa loo baahan doonaa in la dhammaystiro ka hor inta aan adeegga laga bilaabin Lamu, ayaa lagu yidhi warbixinta.

Sababo la xidhiidha dhinaca ammaanka Badda Cas awgood, shixnaddaha Ethiopia waxaa hadda lagasoo dajiyaa dekadda Mombasa iyadoo ay jiraan caqabado ka duwaya isticmaalka Djibouti.

Sababta isbeddelkan keentay ayaa lagu tilmaamay mid ka dhalatay dib u dhac ku yimi shixnaddaha kasoo degaya iyo kuwa ka dhoofaya dekeddaha Djibouti, taas oo loo aanaynayo hawl-wadeennada maraakiibta oo hoos u dhigaya hawlahooda shaqo ee marinka Badda Cas.

Maraakiibta isaga kala goosha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa waajahaya khataro dhanka ammaanka ah oo ay ku jiraan weerarada Xuutiyiinta Yemen, shirkaddaha maraakiibta ayaa lagu qasbay in ay raadiyaan wadooyin kale si loo hubiyo in badeecaddaha la keeno waqti ku haboon si ammaan ah.

Arrimahaa oo Ethiopia cadaadis saaray, waxay sii xoojiyeen rabbitaanka dekedda Berbera ee Somaliland, Sida ku cad soo jeedinta, xukuumaddu waxa ay ku talo jirtaa in ay isticmaasho Dekedda Berbera ee Somaliland si ay ugu bedesho shixnado lasoo dejiyo, tani waxay ka dambaysay kadib heshiis muran dhaliyey oo Ethiopia ay la gashay Jamhuuriyadda Somaliland.1 jan 2024.

Inlasta Ilaa hadda, Ethiopia meesha ugu dhow ee ku xidhan wadada  tareen koronto ah ay tahay Djibouti. Laakiin Ethiopia ayaa werwersan in isiticmaalka Djiboti yahay mid ay ku badan tahay kharashyada hawlgelinta marka la barbardhigo Djibouti, Somaliland iyo Mombasa waxay u soo baxday in ay tahay dookh loo door biday xamuulka Ethiopia, iyadoo sabab looga dhigay Mombasa sababtoo ah xasilloonideeda iyo ku filnaanshaha baahida Addisa ababa.

Waddada Mombasa ayaa si gaar ah ugu faa’iidaysay xarrumaha warshaddaha ee dalka Ethiopia sida  Hawassa, Bole Lemi, Debre Berhan, iyo Adama, halkaas oo warshadduhu ay aad ugu tiirsan yihiin soo dejinta alaabta ceydhiinka ah iyo dhoofinta alaabta warshadaysan, sida lagu xusay warbixinta.

Si kastaba ha ahaatee Ethiopia ayaa rajaynaysay in ay baahiyaheeda u isticmaasho dekad ku taal Somaliland si ay u daboosho baahida ka dhalatay bad la’aanta ee haysata dalkan lagu tilmaamo midka ugu dadka baddan caalamka ee aan bad lahayn.

Hase yeeshe dawladda Fedearaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka biya diidday doonitaanka Addis ababa iyadoo uu heerkii ugu xumaa gaadhay xidhiidhka Soomaaliya iyo Ethiopia muddo dhowr iyo toban sannadood ah.

Sida ay qortay warbaahinta qaar, dowladda Ethiopia laga yaabaa in ay ka fikirayso ka laabashada heshiiskii is fagarad ee ay ku kiraysan lehayd dhul badeed 20 km,  taas oo badalkeed ay ku aqoonsan lehayd Jamhuuriyadda Somaliland, balse Araweelo News ma hayso caddaymo xoojinaya warka lagu xusay warbixinta BBC ee sheegay in Ethiopia ka fekerayso innay ka laabato Heshiiska ay la gashay Somaliland.

Sida ku cad soo jeedinta, xukuumaddu waxa ay ku talo jirtaa in ay isticmaasho Dekedda Berbera ee Somaliland si ay ugu bedesho shixnado la soo dejiyo, tani waxay ka dambeysay kadib heshiis muran dhaliyey oo Itoobiya ay la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanideeda ee Somaliland.

Ilaa hadda, Itoobiya meesha ugu dhow uguna dhisan dekedda ee sidoo kale ku xiran tareen koronto ah waa Jabuuti.

In kasta oo ay ka badan tahay kharashyada hawlgelinta marka la barbardhigo Djibouti, Mombasa waxay u soo baxday in ay tahay dookh loo door biday xamuulka Itoobiya sababtoo ah xasilloonideeda iyo ku filnaanshaha baahida Addisa ababa.

Waddada Mombasa ayaa si gaar ah ugu faa’iideysay xarumaha warshadaha ee dalka Itoobiya sida Hawassa, Bole Lemi, Debre Berhan, iyo Adama, halkaas oo warshaduhu ay aad ugu tiirsan yihiin soo dejinta alaabta ceyriinka ah iyo dhoofinta alaabta warshadaysan.

Si kastaba ha ahaatee Itoobiya ayaa rajaynaysay in ay baahiyaheeda u isticmaasho dekad ku taal Somaliland si ay u daboosho baahida ka dhalatay bad la’aanta ee haysata dalkan lagu tilmaamo midka ugu dadka badan caalamka ee aan bad lahayn.

Hase yeeshe dawladda Fedearaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka biya diidday doonitaanka Addis ababa iyadoo uu heerkii ugu xumaa gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya muddo dhowr iyo toban sano ah.

Sida ay qortay warbaahinta qaar, dowladda Itoobiya ayaa laga yaabaa in ay ka fikireyso ka laabashada heshiiskii is fagarad ee ay ku kireysan leheed dhul badeed 20 km taas oo badalkeed ku aqoonsan leheed Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, wallow ay heshiiska ay ka cadhootay Soomaaliya at jireen qaar ka mid ah dalalka gobolka oo cambaareeyay  waxaana ay Soomaaliya sheegtay in dagaal diblumaasiyadeed oo ay la gashay Ethiopia uu cadaadis saaray,  iyadoo Soomaaliya sheegtay in dagaal diblumaasiyadeed oo ay la gashay Ethiopia uu cadaadis saaray.

Hase yeeshee Ethiopia iyo Somaliland oo heshiiskaan galay, labaduba midna kama hadlin ka laabashada heshiiska.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com