Dablayda Badhtamaha Magaalada Burco Ka Afduubtay Gaadhiga Dawladda Iyo Go”aanka Hoggaamiyayaashooda

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Dablayda dhawrkii bilood ee danbeeyay isku urursanayay Buurta Gacan_Libaax ee duleedka Bari ee Magaalada Caasimada Hargeysa oo hore u fuliyay falal iyo ficilo dhagareed oo foolxumo ku ahaa amniga iyo xasiloonida, isla markaa si weyn u dhaawacay sumcada Somaliland, ayaa sii waday ficiladooda waxyeelada ku ah qaranka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Saalaasadii maanta ayaa lagu warhelay gaadhi ka mid ah kuwa dawladda oo ay lahayd Wakaaladda Biyaha Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo koox dablay ah oo wata gaadiidka Booliska iyo baabuur kale, isla markaana ku hubaysan qoryaha fudud ka afduubeen badhtamaha Magaalada Burco.

Kooxda dablayda ayaa gaadhiga usoo kaxaystay dhinaca Buurta Gacan_libaax, halkaas oo ay ku sugan yihiin Salaadiin, Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda deegaamada ay dablaydu ka yimaadeen, waxayna arrintan kusoo beegantay xilli ay Odayaasha uu hoggaaminayo Suldaan Cadda-Gude ku hawlan yihiin fulinta heshiiskii la doonayay in lagu soo afjaro arrinta Dablayda Gacan_Libaax iyo khilaafkii doorashooyinka ee kasoo baxay Salaadiintra iyo Guddida Odayaasha  Bariga Burco 27  August 2023.

Bulshada ayaa si weyn uga cadhootay falalka Afduubka gaadiidka dawladda ee ay weli sii wadaan kooxda Dablayda Gacan_Libaax, wallow uu Nin sheegtay inuu yahay aasaasaha dablayda, oo markii uu dhacay falka Afduubka ka hadlay madal ay ku sugnaayeen Suldaan Cadda_ gude iyo Odayaasha ku weheliyay xalinta arrintaa in aannay ka mid ahayn kooxda falkaa ku kacday, balse kooxda dablayda ayaa watay gaadiidka ay hore uga qaadeen ciidankii Booliska ee ay laayeen 11 August 2023.

Hoggaamiyayaasha dablayda ayaa madasha ka sheegay inay gaadiidka ay gacanta ku hayaan ku wareejinayaan Suldaan Cadda-Gude iyo Odayaasha ku weheliya arrintaa, isla markaana hawshoodii sidaa lagu soo afjaray, balse waxa muuqata in kooxda dablayda kala qaybsameen, isla markaana kuwa ku kacay falka gaadhiga lagu afduubay aannay qayb ka ahayn heshiiska lagu soo afjarayo dablayda buurta Gacan_Libaax, iyadoo intii ay bilaabmeen arrimaha dablayda isku urursatay halkaa si weyn saamayn ugu yeesheen xaalladda amniga guud ee dalka iyo xataa dagaalka Laascaanood iyo difaaca jiiddaha hore ee dalka.

Hase yeeshee dhacdada ugu danbaysay ee Afduubka gaadhiga oo kusoo beegantay xilli lagu jiro sidii loo soo afjari lahaa ayaa muujinay in aan weli arrimaha Buurta Gacan_Libaax farai ka qodnayn, taas weli khatar ku ah amniga dalka iyo innay Buurta Gacan_Libaax noqoto meel bahalagaleen ah oo dhufays iyo hoy u noqota kooxo doonaya innay khal-khaliyaan amniga iyo xasiloonida dalka, isla markaana Buurta Gacan_Libaax oo ka hor kooxaha dablayda ah caan ku ahayd dalxiiska isu beddesho Buuraleyda Tooraboora ee mudada nus qarniga ku dhow hoyga u ahaa dagaalyahankii Daalibaan ee Afgaanistaan iyo Al-Qaacida, halkaas oo ay caasimada Afganistan ee Kabul kasoo qaadi jireen weerarada.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com